Magacyada 12ka bilood
Magacyada 12ka bilood

Magacyada 12ka bilood

Magaca ‘month’ waa af-ingiriisi waana sodonka maalmod ee bisha noqonda. “Month” waxaa laga soo waariday “Moon” oo dayaxa kunoqonaysa afka Soomaliga. Kalendar “Calender” waxay katimid “calare” waana luuqada afka latiinka macno ahaana noqonaysa cod-dheer, ninka codka dheer ee magacanu kusoo baxay waa wadaadka bulshada diinta ugu yeedha markasta oo bili dhalato taarikhdii hore ee roomanka. Silaysula fahmo magacayada bilaha ee Kalendarka galagooriyanka “Gregorian calender” ayaa ah wakhti hegaha dunida inteeda badani isticmaasho. Inakoo raadraac kusamaynaynaa  magacyada 12 bilood asal ahaan iyo tarikhdooda meesha ay kasoo jeedan ayeynu isdultaagayna.

Magacyada 12 bilood ee sanadka kujira siiba magacayada looga yaqaan wadamada horumaray ayaa ah magacyo lagasoo qaatay wakhti jaahiligii hore ee reer yurub. Reer Yurub ayaa ahaa dad aminsan khuraafadka sida sixiroolayasha, sheekoyinka samayska iyo inay asnaab ilaahyo ka dhigtaan. Magacayada badankooda waxaa lagasoo qaatay ilaahyada roomanka iyo kuwa giriiga oo badankooda  lacaabudijiray iyo halyay magac iyo taarikh ku dhexleh ayaa ugu hadal haynbadnay wakhtiyadii hore magacyadoodana lasoo qaadanjiray. Dhamaan magcayada bilaha waxay kasoo jeedan af latiinka oo laga hadlijiray Yurubta inteeda badan waana takeenay in wadankasta magacayada sidooda uqaato oo anay afkooda aan loobadalin.

January

Roomanku ilaahayo farabadan bay lahaayen waxaa kamid ahaa Jaynus ‘Janus’. Jaynus wuxuu ahaa ilaaha waardiyeeya guryaha iyo meelaha lagu cibaadaysto sida kiniisadaha, tembalada iwm. Wuxuu kaloo u xilsaarna inuu ilaaliyo albaabka samada laga galo. Jaynus waxaa loogu jeedhijiray ilaah labada waji leh ee ah horjoogaha dunida bilow ilaa dhamaad. Labda waji ee Jaynus marka laturjumo oo cilmiga “Symbolism” adeegsano waxay ulajeedku wuxuu noqonaya cadceed soobaxa iyo cadceed dhaca.  Si looxuso oo wajibaadkiisa ninkan odayga ah lasiiyo waxaa la go’aamiyey in xuso laguna maamuso bilowga sanadka oo noqonaysa bisha koobad ‘January’.

February

Bisha labaad ee sanadka waxay ulabaxeen Febraayo ‘February’. February waa bil xaflado badan oo laysu soo baxo wakhtiyadii jaahiligii, siiba bisha 15keeda Romanku waxay samaynjireen dabaal deg ruuxda lagu daahiriyo oo dunuubta laga maydho. Maalinta ka horaysa iyo maalinta kadanbaysa 15ka Febraayo sigaar ah ayaa xuska loo badinjiray waxaana xusid gaara lagu weynaynjiray ilaahada lacaylka oo ah ilaahada saamaynta kuleh lamaanaha isdoona. Waxaa laxusijiray ookale ilaaha barakeeya dalaga beeraha markuudoonan ciyaar gud ugu tagijiray islaanta jacaylka Juno.

March

Bisha sadexaad ee sanadka waxaa iska leh oo kusuntan ilaaha dagaalka, ‘Mars’. ‘Mars’ waa ilaaha dagaal ee roomanku xusijireen wakhtiyada colaadujirto waana ilaaha guud ee ugu magac dheer khuraafadka ay caabudijireen qoomka reer yurub. 14 ilaa 18keeda Maarso ayaa kusuntan maalmaha hadii dagaal laqaadayo la go’aamiyo weerarada dagaalka, xataa dagaalada casriga ah ee samankan aynu kujirno siiba boqolkii sano ee ugudanbeeyey dagaalada dunida ka dhaca amase weerarada laqaado sida dagaalkii Ciraaq, Afganistaan iyo Liibiyaba waxaa lagusoo beega bisha Maarso iyo maalinta 18aad oo ay iskaleedahay ilaahada Minerva oo iyaduna qaabilsan weerarada joogtada ah.

April

Bisha afraad ee Abril waa bil barakaysan oo cimilada dunidu isbadasho siiba wadamada galbeedka xiga waxaana bilowda gu’gii oo wata daaqsin iyo ubax dilaaca. Sidaa la’ajligeed bishan raynraynta wadata waa inloogu magacdaraa ilaahada Afrodhaayt ‘Aphrodite’ wadamada qaar baa loogayaqaan Faynuus ‘Venus’.

May

Bisha shanaad ‘May’ waxaa laga soo xigtay ‘Maia’. Maia, romanku waxay uyaqaanen ilaahada dhulka, ilaahada ilaahyada yaryar ee dunida maamula dhashay. Waxaa qabay Vulcan, lakinse ‘Jupiter’ ayaa caruurta badankooda ka dhalay. Maia waxay dhashay Mercury iyo Atlas.

June

Bisha lixaad waxaa iska leh ilaahada samad iyo malo’awaalka Junius ‘The chief goddess Juno’, waxay ahayd xaasikii Jupiter. June, waxaa loo bixiyaa hablaha waana magac dumar.

July

Bisha 7aad ‘July’ romanku waxay ugu magacdareen ‘Julius Caesar’ oo noola 44 BC. Caesar nin cawaandiya oo imbrodooriyada roomanka xukumay ayuu ahaa. Waxay aminsanayeen inuu maruun isna ku biiridoono ilaahyada samda jooga waana loosi gogol dhigay. Julius Caesar wuxuu dhashay bilahaa lacuriyey kalendarka Girigooriynaka.

August

Bisha 8aad waxay ugu magacdareen boqorkii xilka ku wareejiyey Julius Caesar oo la odhanjirey ‘Augustus Caesar’, Emperor kanu wuxuu noola (31 BC – 14 AD). Tariikhda roomanku markay ka hadlayaan waxay yidhaahdan ‘August Caesar’ inuu ahaa nin jilicsan oo aan dalka lagu aminikarin waana sababta xilka looga qaaday ee loogu dhiibay Julia Ceasar.

Waxaa kaloo mudan in laxuso ‘Pope Gregory. Gregory wuxuu ahaa baadariga ugu sareeya diinta kiristanka qarnigaa lasoo dhaafay 1500 CE, wuxuuna sameeyey isbadel markii uu kayaabay qoomkii degana wadamada reer galbeedka siday ILAAHAY ga abuurtay ugu caasiyooben heeray gaadhen in xataa bilihii iyo maalmihiiba ugu magac dareen waxaan jirin ayuu bilaabay inuu badalo nadaamka khuraafadlayaasha qorax caabudka. Wuxuuna keenay nadaam kiniisada lagusoo sameeyey oo dhinac kala dagaalamaysa ninmanka khuraafadka aminsan dadka beenta ku haysta.

Nedaamkii hore ee reer galbeedku isticmaalijireen qarnigii 1582 ayuu markaliya dusha kaga keenay nedaamkan cusub oo bilaha sanadka kalasoocaya oo kiniisadu wadato kana saxsan koodi hore loohaystay. Isla baadariga Gregory ayaa loogu magacdaray kalendarka cusub “Gregorian calender” kalendarka Gregooriyanka. Waxaa laydidhaah inaanu baadarigu bedelin magacyadii hore ee khuraafadka ee bilaha looyaqaanay kahor diinta Kiristanka. Lakinse, tariikhdu waxay sheegta inuu Pope Gregory XIII kaliya uun bedelay ama kusoo kordhiyey bisha ‘December’ akhirkeeda (25keeda) oo maalin muhiima uhayd khuraafadlayaasha qoraxda xusa inuu ubadalay bishaa iyo maalinta dhalashada Jesus ( dhalashadii Nabi Ciise).

September

Bishan magaceeda waxaa laga soo dheehday afka Latiinka ‘septem’ oo ah 7aad, waxaana bilowda qabowga. Guryaha ayaa lajooga bishaa.

October

Bishaan Oktoobar iyaduna waa af-latiin waxaana lagasoo xigtay ‘octo’ oo ah 8eed ama ‘sideed’.  Oktoobar waxay reer galbeedku isu diyaariyaan soo dhawaynta jiilalka iyo wakhti qaboobaha guud ahaan waxaan lasoo yareeya dhaqdhaaqyada dibada.

November iyo December waa labada bilood ee sanadka ugu danbeeya waana wakhti qaboobe. Bisha Nufeember waa afka latiinka ‘novem’ waana 9aad ama ‘sagaal’. Halka bisha Diseember ‘decem’ ay tahay 10aad ama ‘toban’.

Sidaynu qoraalkan ku xusnay sanabyo iyo waxaan diinteena suubani raali ka ahayn ayaa qoorta nayloo sudhayaa oo bulsho Islaam ah lagusoo dhextuuraya. Waxaad arkaysaa in isticmaalka magacayada ilaahayda ee maalmaha iyo kuwa bilaha laduldhigay sitartiiba usoo badalyaan kuwa Islaamka ama magacaya aynu bilaha unaqaan bulshada laameheeda kaladuwan kufidaya. Sidaynu korkusoo xusnay magacyadanu waa magacyo laga waariday khuraafadkii hore iyo wakhti jaahiligii wadamada reer yurub ee dhagaxa iyo hawada lacaabudijiray oo aan la odhankarin xataa aqoon iyo cilmi ayaa  ku dheehan magacayada shirki ah ee dadka muslimiinta ah lagusoo dhextuurayo.

Laba daraale, waxaa meesha kujirta in magacayadan lagakeenay khuraafadkii hore roomanka ay dhamaantood noqonayaan danbi iyo dunuub lashaqaysto oo ay kahor imanayaan dhamaan diimaha samaawiga ah, mararka qaarkood kula gelayaan kufri aad ILAAHAY kagashid oo aad shirkii latimaadid. Shirkigu akhrisanmanka waxuu noqondoona maalin madow, dhagax madow ay qudhaanjo madow ku dulsocota. Miyaad arkilahayd qudhaanjada, Waa maya. Silamid ah qudhaanjada madow ee guuraynaysa habeenka ayuu shirkiguna lamid noqday wakhti casrigan lagujiro.

About the author

Abdirahman Simodi

View all posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.