Magacyada maalmaha usbuuca
Magacyada maalmaha usbuuca

Magacyada maalmaha usbuuca

Magacayada maalmaha dalalka reer galbeedka waxay ku salaysanyihiin meerayasha iyo magacyo ilaayo (asnaab) laga caabudijiray qarniyadii hore wadamada galbeedka xiga. Magacyada todobada maalmood ee usbuuca kujira waxay ku saleeyen waxyaabihii dhaqanka ay ulahaayen siiba diinta. Skandenayfiyanka, Greeka iyo Roomanka ayaa ka siman magacayada todobada maalmood looyaqaan, luuqada latiinka ayaa midaysa luuqadaha yurubta lagahadlo.

Waxaynu isdultaagaynaa taarikhda maalmaha iyo magacayda loobixyey meesha ay kasoo jeedan. Markasta oo aad tariikh akhrisid si’aynu dacdooyinka soomaray wax uga ogaano waxay kula gelay laba taarikhood oo dunida soomaray midkood, taarikhda qadiimiga ah ee fircooniyiinta “dhulka uduga” iyo tariikhda Mesabatoomiya “Ciraaq”.

Xidigis yaqaanki Fircooniyiinta ayaa ku guuleystay inay ogaadan meereyaasha qoraxda ku dulwareega nooca ay yihiin, shaqada ay hayaan iyo diradooda. Meerayaasha dunida ka diwaangashani waa 7 meere ah. Todobadaa Meere waxay kala yihiin Dusaa (Mercury) oo Qorraxda ugu dhow, Waxaraxir (Venus), Dhulka (Earth) iyo meeraha Farraare (Mars). Meerayaasha waawayn ee hawada iyo boodhka ka samaysan waxay kalayihiin Cirjeex (Jupiter), Raage (Saturn), Uraano (Uranus) iyo meeraha Docay (Neptune).

Sidoo kale waxaa jira meerayaal yar-yar oo dhamaantood baraf, hawo iyo xoogaa caro ah ka sameysan waxaana ka mid ah meerayaasha yar ee Bluto (Pluto) oo waqtiyadii hore loo aqoonsanaan jirey in uu ka mid yahay Bahda Midaysay Qorraxdu.

Wakhti farobadan ayey galiyeen xidigiyaashi hore ee reer Masar si’ay uga warkeenan xogta samada iyo xidigaha cirka ka muuqda. Waxay sameeyen daraasad dhaxalkiisu noqday cilmiga xidigiska “astronomy” iyo wakhtiga “Time”. Xidigyankii reer Masar iftiinka qoroxda waxay ka dhigeen 12 saacadod habeenkiina 12.

Tadobada Meere ‘The seven celestial bodies’

Xidigiyaashi hore sacad kasta waxay ku ladheen mere

Sacada 1aad: Raage (Saturn)

Sacada 2 aad: Cirjeex (Jupiter)

Sacada 3aad: Farraare (Mars)

Sacada 4aad: Sun Qoraxda

Sacada 5aad: Waxaraxir (Venus)

Sacada 6aad: Dusaa (Mercury)

Sacada 7aad: Moon Dayax

Sacada sideedad meeraha Raage “Saturn” bay kusoo noqonay sidaa sileeg saacada 15ka iyo saacada 22ba. Wareegaas bay raacayaan saacadahu kuligood.

Iyadoo laga duulayo nadaamka xidigiska bilowga ah ee fircooniyiintu (Soomalidu) alifeen waxay kaloo maalinta usbuuca bilaabanta ugu magacdareen magacii ay wakhtiga/saacada ulabaxeen kuna salaysnaa meerayaasha.

Maalinta 1aad: Saturn

Maalinta 2aad: Sun

Maalinta 3aad: Moon

Maalinta 4aad: Mars

Maalinta 5aad: Mercury

Maalinta 6aad: Jupiter

Maalinta 7aad: Venus

Wadamada reer yurub oo wakhtigaa hore kala aqoon maalinta iyo habeen “Dark Ages” wakhti jaahili iskajiray ayaa markaliya kawarhelay cilmigan jiitay ee cilmi falaga. Xidigiska waxaa usoo waariday yahuuda oo iyagu cilmiga kalasoo qaxay fircooniyiinta, Iyo dhinaca giriiga oo midhadh bad-maaxi ulasoo tilaabay qaarada yurub. Waxay taarikh rasmiya ayaa tilmaamay in reer yurub dhaqanka, cilmiga iyo diintiiba kalayimaaden Afrika oo wakhtigaa iyagu caabudijirey meerayaasha iyo ilaayo aan jirin. Xadaarad kasta oo lagu faano waxay asalkeedu kulagalay Afrika siiba geeska afrika.

Fircooniyiinta, maalinta koobad ee usbuuca waxaa u ahayd sabtida (Soo-rogga) Saturn’s day ‘Saturday’, maalintaas ayaa lakala shaqo tegijiray. Halka reer bani Isreal maalinta ka dhigteen maalin nasasho, iyo in maalinta loo nisbeeyo maalintii ay kasoo baxsadeen boqorkii fircooniyiinta Ramses. Saturn’s day (Saturday) waxay ubadaleen “Sabbath-day” oo ah maalin barooro diiq iyo badbaadi Ilaahay nabi Mose usoodiray.

Hadaynu raacno nadaamka lagasoo waariday fircooniyiinta ee meerayaasha ku fadhiya iyo dariiqada Yahuudu dunida ujeexday siiba dalalka reer galbeedka in sabtidu ‘Saturday’ usbuuca ugu danbayso maalinta Axaduna noqonay maalinta ugu horaysa ayaa sidan noqonaya.

Sunday: Maalinta qoroxda

Qoraxda ayaa laga caabudijiray dalalka barafku hadheeyey, waxay amineen hadii layska maslaxo oo laxuso inay usoobaxay qoraxdu (Dies solis – Helios, god of the sun). Ilaaha qoroxda waxay uyaqaanen Hiiliyos “Helios” waxaa astaan u ah Hiiliyos isla qoraxda. Astaanta qoraxada waxaad ku arkay meelo badan sida calammada dalalka dunida (Argentina, Japan, Namibia, USA iyo Uruguay). Aqoonyahanada cilmiga astaamaha “Symbolism” ayaa tilmaama in intabdan astaanta lagu dhex xardho calanka yihiin xusid dadban oo la xusayo ama laweynaynayo astaanta calanka ku dhexjirta noocay doonto hanoqotee.

Monday: Maalinta Dayaxa “Selene-day”

Maalinta Isniinta ‘Monday’ (Luna’ ama ‘Selene’) waa ilaahad, waana dayaxa waxanay caabudayaan (Dies lunae – Luna or Selene goddess of the moon) Dayaxa ayaa ah ilaaha habeenka madow iftiimiya iyo ilaaha haga mawjadaha bada.

Tuesday: Maalinta  Farraare “Mars” ama “Tiir”

Maalinta ‘tiwesdaeg’ waxaa la xusaa ilaaha dagaalka (Dies martis – Mars or Aires (Tiir), god of war. Tiir (Tiw) wuxuu kunool yahay buur dushood waxaana loo yaqaanay inuu yahay ilaaha sita burjiga dagaalka iyo guulaha cidaamada. Waxaa la aaminsanaa hadii askari dagaal ku dhinto inuu soo degayo Tiir isagoo wata malaaigta dagaalka dabadeed maydka ayuu qaata maydka.

Wednesday: Maalinta ilaaha Woden

Maalinta arbacada (Wednesday, Wodnesdaeg – Woden’s day) waxay ugu magacdareen ilaaha guud ee Woden oo dhalay Tiir (Dies mercurii – Mercury). Wuxuu maamula cilmiga iyo xikmada dunida lagu hago. Waxay aminsanyihiin in in ilaah Woden aan waxba ka qarsoomin.

Thursday: Maalinta ilaaha ‘Thor’
Maalinta Khamiista Thor’s day (god of thunder) waxaa la xusaa ilaaha Thor danabka. Thor waxaa dhalay Woden wuxuuna ilaaliya boqortooyada aabihi, astaanta lagu yaqaan ‘Thor’ waa danabka oo uu ku dagaalamiyaqaan gacantana wuxuu markasta kusitaa dubbe.

Friday: Maalinta Fria’s- day

Maalinta Jimcaha (frigedaeg – Freya’s day (goddess of love) waxaa la xusaa ilaahada jacaylka “Fria” xidigeeduna yahay “Venus”. Friyya waxay ahayd islaan uu qabo Woden, waxayna dhashay ‘Thor’ iyo laba kale. Intaa diinta kiristanku soo gaadhin dalalka skandaneefiyanka waxaa laga caabudijiray sadex oo kala ah Woden, Fria iyo Thor. Waa sadex ilaah oo isdhalay. Shaqada ayhayeen ayaa ahayd in dunidu ahaato nabad iyo inlagu wadajoog xasilooni.

Saturday: Maalinta meeraha Raage ‘Saturn’s day’

Maalinta sabtida (Seterne’s day (god of agriculture) waxaa la xusaa ilaaha “Saturn”, Saturn wuxuu qaabilsanaa hawada iyo wax soosarka. Hadii la xuso ‘Saturn’ waxaa barakooba delaga beeraha iyo xoolaha, lakinse hadii aanad waxba waydiin waxaa suurtogala inuu kuu cadhoodo ‘Saturn’ oo markaa dalag iyo xooloba meesha kuwaydid ayey ka aminsanyihiin khuraafadlayaasha hore. Qarnigii 17naad ayaa ladhaqan galiyey in magacayada meerayaasha iyo asnaabta loo adeegsado todobada maalmood ee usbuuca. Isticmaalka maalmaha sita magacyada ilaahyada kaladuwan ayaan ufiicnayn ruuxa muslimka ah, arinkaasuna wuxuu soo gelayaa shirk intuu doonoba haleekaade.  

About the author

Abdirahman Simodi

View all posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.