Mashruucii La Dagaalanka Nuurka
Mashruucii La Dagaalanka Nuurka

Mashruucii La Dagaalanka Nuurka

Waxaan safar gaaban ku imid magaalada London, anigoo u socdo ka qaybgalka xaflad aroos oo ehelkayga ah. Saddex cisho markaan joogay ayuu ila soo hadlay nin ka tirsan urrur ka mid ah kuwa sida qarsoon u shaqeeya. Wuxuu igu balamiyay maqaaxi ku taal South Kensington oo la yidhaa Gails Bakery.

Waan imid anigoo werwer yar igu jira oo isweydiinaya wuxuu iga rabo. Markaan cabaar fadhiyay ee aan bun iyo macmacaan meeshii ku cunay ee aan kolba saacadda hoosta ka eegayo. Waxaa si kedis ah ii soo dul istaagay nin cad, wuxuu ii sheegay in la ii soo diray oo uu ii qaadayo hudheel. Waan soo raacay gaadhigii oo wuxuu i keenay hudheelka Riverbank Park Plaza oo ku yaala badhtamaha London.

Qof baa ii sii taagnaa albaabka oo si diiran iigu soo dhaweeyay hudheelka. Wuxuu ii kaxeeyay qol albaabkiisa ay ku qornay tirada 322. Qolka markii aan galay ayaan sariirta ku dul arkay suudh madow, shaadh madow iyo kabo madow. Waan maydhay, sidii la ii tilmaamay ayaan dharkii madoobaa ku labistay. Cabaar ayaan daawaday London Eye oo toos ugu beegan daaqada qolka aan ku jiro. Waa meel ka mid ah meelaha ugu bilicsan magaalada London, dalxiisayaal badana waa joogaan.

Gabalku wuu sii dhacayaa anna weli waxaan taaganahay daaqada. Garaac xooggan ayaa albaabkii la igu soo tumay, haddana waa la iska furay annoo yaaban ayuu igu yidhi, ‘mudane, waxaa bilaabmaysa soo dhawayntaadii.’ Waan soo raacay, waxaanu i fadhiisiyay miis maro madow lagu sharaxay, shaqaalahu dhammaan dhar madow ayay ku labisan yihiin.

Miiska waxaa saaran khamri cas, waraaq sida saddex-xagalka u taal oo ay ku qoran tahay “welcome to the brotherhood” iyo sidoo kale waxaa taala hees magaceedu yahay ‘welcome home’. Markii ba gabadh dhar madow xidhan ayaa masraxa soo fuushay waxaabay qaadaysaa heesta midhaheedu ay miiskayga saaran yihiin. Waxaa ka mid ahaa erayadeeda:

Welcome to where

time stands still,

No one leaves and no

one will

Moon is full,

never seems to change

Just labeled

mentally deranged

Dream the same thing

every night,

I see our freedom

in my sight

No locked doors

No windows barred,

No things to make

my brain seem scared

Keep him tied,

it makes him well.

He’s getting better,

Can’t you tell?

Leave me be!

Just leave me alone…

Heeskaas oo i laabqaaday misana cabsi igu abuurtay ayuu mid madow ii yimid isagoo madaxa hoos u foorarinaya ayuu igu yidhi, ‘mudane, waa kuu diyaar gaadhigii ku qaadi lahaa.’ Dabaqa hoose ee hudheelka ayaa la i geeyay, waxaa igu sugaya gaadhi kala jiidan. Markaan guddaha u galay waxaan kula kulmay saaxiibkay.

Waan ku naxay oo waxaan ku idhi, ‘waar maxay sidani tahay’, isna wuxuu iigu hal celiyay waadigii muddo daba-socday inaad nagu soo biirto ee ay codsigaaga laba jeerba ay diideen Club of Rome iyo Scottish Temple. Hadda, waxa timid fursad aad isku muujin karto, haddii aad daacad ka noqoto hawlaha laguu igmanayo waxaad heli xubinnimo buuxda.

Magaalada waan ka sii baxaynaa, waxaan gaadhay dhisme dhulka hoostiisa ka dhisan oo aad yaabayso qaabka loo dhisay. Saaxiibkay gaadhigii ayuu ku hadhay, anna laba nin oo xidhan dhar madow oo ay qoortooda sudhan tahay saddex-gees cas ayaa intay garbaha i qabteen ayay ii kaxeeyeen qol madow oo iftiinka qudha ee ka baxaya yahay shamac.

Waxaa goob madow soo fadhiya nin darajadiisa tahay 33 oo magiciisa iigu sheegay Paul McMillan. Wuxuu i weydiiyay in aan ku qanacsanahay in aan ku soo biiro urrurkooda Dark Marrow. Anna hore ayaan ka aqbalay. Habeenkii halkaas ayaa xaflad weyn la iigu sameeyay.

Saddex habeen ka dib anigoo sidii meeshii ugu jira ayuu Paul ii kaxeeyay qol madow, deeto ileys ayaa lagu qabtay gidaarka waxaana la i tusay khariirad madow oo ay cad yihiin laba meelood. Wuxuu i weydiiyay Paul labadaa meelood ee cad miyaad garanaysaa. Waxaan ku idhi mid waa Geeska Afrika ta kalena waa Barriga dhexe. Paul ayaa igu yidhi, ‘Waa dhulka Soomaalida’, ta kalena waa Shaam.

Wuxuu ii raaciyay in khariiradaa la sameeyay shirkii Berlin ka dhacay 1884. Wuxuu kale oo uu ii sheegay arrin argagax igu riday, Paul McMillan wuxuu yidhi, ‘shirkaas waxa fadhiyay kii samada ka soo dhacay… markuu arkay in aanan fahmin ayuu iigu macneeyay…(idinku Shaydaan ayaad u taqaanaan) wuxuu noo sheegay in dhulka Soomaalida iyo Shaam ba ay yihiin labada Nuur ee u baahan in lala dagaallamo si qorshahayagu u fulo.’

Markaas ayaa cabsi igu abuurantay. Waxaan jeclaystay in aanan halkan iman, waxaase cod guddaha igala hadlay igu yidhi, ‘xog badan aad ogaatide adkayso.’ Cidda ila hadlaysa ma garan ee berri danbe ayaan ogaan doonaa in uu igu shaqaysanayo xoog ka awood badan kuwan aan ku biiray.

Paul wuu i dareemay in buuq igu furan yahay, waxaanu ii sheegay markaan koro salaanka kala saraynta in cabsidu iga baabi’i doonto laakiin la iiga baahan yahay naf-hurid laxaad leh. Wuxuu si toos ah iigu sheegay baahida xilligan keentay in loo baahdo dad Soomaali ah oo guddaha ka dagaalama.

Waqtigan waxaa nagu adkaatay in aan dibedda kala dagaalanno, weliba wax walba waxay isbeddeli doonaan marka la gaadho December, 21, 2016. Waxaan jeclaystay in ogaado sababta xilligaas wax walba isku beddelayaan. Waxaad moodaa inuu maqlayo faqa guddahayga ka socda, wuxuu ii sheegay in xog badan oo aan loo sheegi jirin xubnaha Dark Marrowbone aan nasiib u helay in la ii furo. Sirtan waxaa la siin jiray inta darajadoodu ugu hoosayso 21, cidda fashilisana xukunkoodu wuxuu ahaa dil.

Wuxuu igu yidhi, ‘ hadda, sixirkii aanu dhulkaas kula dagaalami jirnay wuu naga istaagay, 2012 waxaa kor u kacaya quwada ruuxda Aadamaha oo halis weyn ku haysa qorshe-weynaha aanu ku dhaxlayno awoodda dunida.’ December, 21, 2016 marka la gaadhana waxaa cirka ka soo muuqanaya xidig cusub oo awood badan, xidigaasi markuu soo daahiro ma shaqayn doono qorshe kasta oo aanu ka leenahay dhulka Soomaalida.

Dagaalkii hore ee noo qorshaysnaa waanu fulin doonaa inta aan la gaadhin 2016. Dhulka Soomaalida waxaanu qorshaynay in 5 maamul loo qaybiyo, waxaa sidoo kale 1884 aanu miiska soo dhignay in marka la gaadho 2020 aanu dhulka Soomaalida ka samayno 10 dawladdood oo mid kastaa cadow ku tahay ta jaarka la ah.

Halkaas, markuu marinayo ayuu joojiyay hadalkii, waxaanu ii sheegay in xogta inta hadhay la i siin doona markaan fuliyo hawlgalka koowaad ee qorshaha gacanta la iga saaray. Qolkii madoobaa ayuu iga soo saaray, waxaanu i keenay qol dhiig ka soo urayo. Biyo ayuu madaxa igaga shubay. Waxaanan markii koowaad usoo dhoofay dalkayga anigoo cadow ku ah.

21 July 2007 ayaan ka soo dagay madaarka Hargeysa. Cabsi ayaa dabooshay qalbigayga, waxaase ay hore iigu soo sheegeen wadanku in aanu lahayn sirdoon difaaca. Qolada qudha ee la igu dardaaray in aan ka feejignaado waa qolo wadanka ilaalisa oo suuqa iska joogta, dadkuna aanay aqoon awooddooda iyo wejiyadoodaba. Judhiiba laba guri ayaan ka kiraystay Masalaha iyo Jigjigo yar waa labada xaafadood ee aad hawlahaaga si fiican uga fushan karto.

Waxaan ku tallo jiraa in aan hantiyo dhallinyar badan oo gabdho iyo wiilal ba leh. Waxaan ku kasbanayaa lacag iyo indho-sarcaad. Mustaqbal qurux badan ayaan u sawirayaa. Labadaas gurri ayaan kulan ugu qabtaa. Hawlihii oo meel fiican ii maraya ayuu ila soo hadlay, waxaa la igu amray in aan tago gobolka Sanaag oo aan fuulo buurta Cirshiida. 2:00 habeennimo ayaan fuulay, subaxii ayay fariin ii soo direen oo yidhaahdeen xalay waxaad fuushay buurta sidda sirta wadankaas. Waxaase la i faray in aan degdeg uga soo baxo dalka oo noloshaydu khatar ku jirto.

Dhaadhaca Daallo markaan marayo ayuu nin cawlan nagu joojiyay buurta hoosteeda wuxuu igu yidhi, ‘kuwa ku soo diray Sanaag ayaa awooddoodu ku idlaan, haddaad mar danbe timaadana waad eedi, haddana fariinta gaadhsii walaalahaaga madow.’ Cabsi ayaa igu dhacday, waanan baqayay ilaa aan ka degay madaarka Heathrow.

Paul McMillan ayaan ku booqday xaruntii urrurka, si diiran ayuu ii qaabilay wuxuu ii sheegay in aan gaadhay meel ay iyagu ka baqaan. Wuxuu ku daray in ay Sanaag qorshe ka leeyihiin. Hadda, waxaan kuu furayaa bog kale oo sir ah. Wuxuu yidhi, ‘intii aan ku mashquulsanayn dagaalkii Ciraaq halkan waxaa laga taagay calan Tawxiid leh.’ Waanu garan waynay halka ay naga hoos martay.

1998 ayaanu ogaanay in awood ka soo baxayso halkaas. Arrintii ayaa ay ka wada hadleen Maraykanka, Ingiriiska iyo Israa’iil. Ingiriiska iyo Israa’iil waxay yidhaahdeen hadda aan la dagaalanno, Maraykankuna wuxuu yidhi aan eegno sida ay u soo baxayso. Hadda, waanu garan laanahay si aanu yeelno.

Wuxuu iigu daray in ay ciidamo geyn doonaan badda cas, iyagoo abuuraya budhcad baddeed ay ka dhigtaan foodsaaro iyo sabab ay ciidamadooda ku keenaan badda. Waxaan arkayaa qorshihii oo u fulaya siddii Paul McMillan iigu sii sheegay. Taas waxa ka daran ta maanta socota, wuxuu si cad iigu sheegay 2016 in ay Somaliland ka soo weerarayaan dhinaca barri.

Waxaa i luraya in aan ogaado sababta uu u rabo ‘dagaalka barri’, annoo aad moodo in jiidhku ii damqaday dadkayga ayaan la soo booday waakan dhacaya ee maxay ilaa xadkaa muhiim idiinku noqotay inaad weerarkan qaadaan. Paul, isaga oo aan ii jawaabin ayuu eegay ergay kale. Wuxuu igu yidhi, ‘walaal Berg ayaa kuu furi doona boggaas.’

Berg ayaa hadalkii qaatay, wuxuu yidhi:

Waxaan ka fikiraynaa in aanu isku beegno qaska Sanaag iyo qabsashada Qudus. Waxaan weydiiyay waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya Sanaag iyo Qudus. Wuxuu ii sheegay markii u horaysay dunida in ay ku guulaysteen faafinta jahliga iyo qarinta cilmiga dhabta ah. Qaar badan Phd iyo master ayaanu dhabarka kaga qornay haddana cilmiga runta ah waanu ka qadinay.

Way yar yihiin cidda taqaan cilmiga sida dhacdooyinka dhulku isku saameeyaan iyo muhiimada dhuleed ee ka dhaxaysa Sanaag iyo Qudus. Qoladan Muslimka waxaa loo sii sheegay in marka ay camiranto Qudus in Yatrib (Madina) ay xidhmayso -sirtan waxa haya inyar oo ka mid ah dadka awoodda laga ilaaliyo.

Paul McMillan ayaa ku soo noqday isagoo wardoonkayga ka jecel in aan amarradiisa qaato:

Wuxuu igu yidhi, ‘dhawaan ayaad dalkii ku noqonaysaa, waxaanu kuu boqri doonaa mataan.’ Degdeg ayaanu u rabnaa in aan beerno midho aynu mustaqbalka dhow goosano. Si aydun u sumaysaan quluubaha madhan waa in aydun adeegsataan qalabkan aan ku siiyay. Wuxuu igu yidhi markaad doonaysid in aad biiso dalaga beeraha shinnida ayaa la beddelaa, marka aad doonayso in aad xumayso hab fikirka wanaagsan wax dadku akhrisanayo ayaa la abuuraa.

Xikmaawi Shiinays ah ayaa laga hayay, ‘haddii qorshahaagu yahay 1 sanno bariis beerro, haddii uu yahay 10 sanno dhir beer, haddiise uu yahay 100 sanno carruur wax bar.’ Innaga qorshaha Ina eryayaa waa ka duwan yahay taa, waxaanu ka cararaynaa cadceed galbeed ka soo baxaysa oo aan la garanayn goor ay dilaaci. Waxaa gebbi ahaanba isbeddelaya 2012 qorshe 300 sanno noo soo shaqeeyay. Way adag tahay in aanu maamulno xataa doqmihii, wax walba waxay u shaqaynayaan si lid nagu ah. Ma garanayno siday wax u dhacayaan.

Waxaan dalka ka soo degay aniga oo sita buug badan oo falsafad ah oo ay qoreen ragga ay ka mid yihiin Aristotle, Plato, Socrates, Hegel, Locke, Tolstoy iyo qaar kale oo badan. Kulamadii oo halkoodii ka sii socda ayaan buugta u qaybiyay dhallinyar dhowr ah, waxaan ku idhaahdaa erayo beer-lawaxsi ah oo aan qalbigooda ku xadayo. Waxaan ugu yeedhaa Platahii Soomaalida ayaad tahay, waxaan dareemayaa in ay qab gelisay; waxaanse ogahay kuwa gashada kabaha falsafada iyagoon aqoon fiican lahayn in ay galaan mugdi.

Markii ugu horaysay qolo aan dalka ka bixin ayaa baraha bulshada ku soo qortay erayo ceebayn ku ah asalka diinta Islaamka, waxaanay shaki geliyeen iimaankooda. Arrintaas urrurku si weyn ayuu iigu soo hambalyeeyay, Paul McMillan ayaa ii soo qoray fariin gaaban oo aanan wada fahmin:

“Waxa la gaadhay waqtigii uu soo bixi lahaa BOQORKII QARSOONAA.”

Fariinta markaan akhriyay ayay anoo arkaya is masaxday iyadoo gubanaysa. Argagax iyo cabsi ayaan dareemay -wadnahayguna wuu gariirayaa. Waxaan weydiiyay waxa fariintii gubay. Wuxuu ii sheegay in ay Jinka heshiis kula jiraan oo ay arrimo badan ka wada shaqeeyaan. Qabiilooyin kala duwan ayay leeyihiin hadda reerka noo qaabilsan Internet-ka waxaa la yidhaa ZILLA…halkaa markuu marayo ayuu is-maray oo ka cadhooday inuu sirtaas sii dhexgalo.

Waxaan la xidhiidhay Koonfurta anigoo doonaya in mashruuca ku faafiyo dhulka Soomaalidu degto. Muqdisho hawsheeda wiil yar ayaan u dirayaa ayaan ku idhi Paul, wuxuu igu yidhi, ‘Muqdisho waxaan u naqaan Vatican City, markaa wakiillo badan ayaa noo joogo.’ Halkaa ayaan kaga hadhay oo waxaan ogaaday in aanan keli ku ahayn dagaalka dahsoon.

Maalintii danbe anigoo hudheel cunto ka cunaya ayaa nin baahan uu na soo dul istaagay, waxba ma hayno ayaan ku idhi, wuxuu igu yidhi, ‘waxba ma haysid oo waa la hubaaye, Muqdisho waxaa loogu magac daray Ismaaciil Maqaadishi; waa nin Awliyo reer sheekh Isaxaaq ah, hawlihiinuna waa fashil.’ Naxdin ayaan qaaday, cuntadii ayaa iga degi wayday. Habeenkii waan seexan kari waayay, waxaan garwaaqsaday in ay jirto cid og tallaabo kasta oo aanu qaadno. Subixii ayaan dalbaday wastaad laban ku xaniba daaqadaha guriga aan ka degannahay Hargeysa.

Waxaan ka cawday in aanan ku noolaan karin cabsi joogto ah. Paul wuxuu igu qanciyay oo uu igu dajiyay in ay dhawaan dalka keeni doonaan ciidan difaaca danahayaga iyo wakiillada qarsoon ee noo adeegga. Waan ku niyadsamaaday balanqaadkaas, ha yeeshee waxaan mar walba ku noolaa cabsi iyo werwer joogto ah.

Marka kasta oo qof i salaamo, waxaan dareemi jiray naxdin sidii oo uu og yahay arrimaha aan faraha kula jiro. Qof kasta oo aqoon u leh akhrinta wejiyada ayaa sawiran karayay hawlaha aan wado -si aanay taasi u dhicin mar keliya indhaha ma siin jirin cidna.

Fariin ayaa ii soo dhacday la igu farayo in aan madaarka ka soo qaado gabadh. Gabadhu maaha mid ka tirsan urrurka laakiin waxay iigu sheegeen in ay tahay kuwa taabacsan mabaadiida aanu aaminsannahay. Sidii baan yeelay, subixii ayaa soo qaaday gabadh xijaaban oo ay ka muuqato dhowrsanaan. Waxaa isku kay qabanwayday muuqeeda iyo waxa la iiga sheegay.

Waxaan ka warsaday sababta ay dalka u timid, waxay ii sheegtay in ay ka qaybgalayso kulan samofal ah iyadoo ay soo casuuntay ha’yad ka mid ah kuwa qaramada midoobay. Kulankii ayay ka qaybgashay iyadoo aan u fahmay in la doonayo in ay hablaha tusaale u noqoto. kulamo hoose ayaa loogu sii balamiyay in ay la qaadato hablo gaar ah.

Markay hawlaheedii dhamaysatay ayaanu habeenkii casho la qaadanay islaan cad oo madax ka ah ha’yadda. Iyadoo dhaqankeedii beddeshay ayay farxad isku qaabileen islaantii. Anigu waan daawanayaa siday iskula jaanqaadeen, waxaase madax wareer ka qaaday oo igu weynaatay waxa afkeeda ka soo baxay gabadhii. Si toos ah ayay afka ugu balaadhisay iyadoo islaantii ku leh aan kuu bushaareeyo, islaantii ayaa ku hal celisay iga farxi.

Waxay tidhi ku bishaarayso “hadda ka dib, Jiilkani khatar inaguma aha.” Waxay sii raacisay in hayso oo ay farta ka saarayso xogtii laga urruriyay Internet-ka oo cadaynaysa in ay kor u kacday ilaa xad dhallinyarta daawata filimada xun iyo waxay ku magacowday ‘porno’. Fajaciso ayaa igu dhacday oo waxaan garwaaqsaday in jiil dhan nuurkii qalbiga ay madoobaysay daawashada xumaanta iyo sinnada lagu faafiyo internet-ka.

Kenya ayaanu isku raacnay subixii xigay. Markay gababdhii Nairobi gaadhay waxay la soo baxday dhaqan cusub oo ahaa kii aan ka malaysanayay. Maryihii ayay tuurtay oo intay sidii hablaha reer galbeedka u labisatay ayay dhex gashay gaalo badan. Waxyaabaha ay samaynaysay waan ka tacajabay. Anigu Nairobi wax badan kuma hakan, waxaan u sii dhaafay Lisbon oo la igu soo casuumay shir qarsoon oo lagaga arrinsanayo siduu u eekaan doono mustaqbalka siyaasaddeed ee Soomaalidu.

Shirkii waxaan kula kulmay Berg oo ahaaba shaqsiga guddoominayay hawlaha la hayo. Waxay isla soo qaadeen sidii Soomaalidu loogu samayn lahaa nidaam Federaal oo sii murgiya mushkiladaha ay hadda dhex dabaalanayaan.

Sidoo kale waxay is tuseen in Federaalku yahay hab aynu ku joojin karaan calanka Tawxiidka leh ee ay reer Somaliland saarteen; waxay yidhaahdeen calankaas ayaynu ku dul dhisaynaa calanka buluuga ah. Qolo xagjir ah ayaa ku dooday in Soomaalida laga qaado xaqa aayo-ka-tashiga oo gacanta loo geliyo UN-ta ama wadamada jaarka.

Markuu shirkii dhamaaday waxaa la isla qaatay in Soomaalida loo sameeyo nidaam Federaal oo qas ku salaysan. Berg ayaa si gooni ah iigu sheegay in ay meel dhigteen go’aanka ah in Soomaalida laga ilaaliyo laba:

1. In ay Soomaalidu isku maamusho shareecadda Islaamka

2. Iyo in Soomaalidu yeelato dawlad dhexe oo adag.

Wuxuu Berg aaminsan yahay haddii Soomaalidu qaadato shareecada Islaamka in dhibootooyinkooda oo dhammi ay u milmi doonaan sida cusbadu ugu milanto biyaha. Sidoo kale waxay helayaan MIDNIMO taas oo siinaysa quwad iyo sharaf -sideen u aqbali karnaa in dhulka kheyraadka intaas leeg leh inuu gacanta u galo cid naga mabda duwan. Way ku jiraan Soomaalida rag leh hammiga ay ku yagleelaan dawlad dastuurkeedu yahay Qur’aanka -waxaanse ka xignaa dagaal.

Wuxuu yidhi, waxaanu nahay qoom wax akhriya oo wax dersa. Qur’aanka ayaanu baadhnay, waxaanu ka helnay sir ‘Suurada 2-aad, Aayada 120-naad’, taas oo aanu kala baxnay in haddaan Soomaalida ku qancino in ay raacaan nidaamkayaga in ay waayayaan Gargaarka iyo Guusha ALLE. Markaanu taageerayno doorashooyinka Somaliland iyo hirgelinta Federaalka nagama aha jacayl ee waxay naga tahay in aanu kala dhexgalno iyaga iyo Rabbigoodii u gargaari lahaa.

Berg wuxuu sidoo kale carabka ku dhuftay in ay Somaliland Federaalka ku dirqin doonaan. Marar danbe oo aan iskaga dabqaadayay London, Hargeysa, Ankara iyo Nairobi ayaan ogaaday in kaaliyihii xoghaya arrimaha dibedda waaxda Afrika Johnnie Carson in laga codsaday in uu madaxweyne Obama ku qanciyo in Somaliland lagu soo daro ciyaarta Federaalka.

Waxaa la unkay guddi uu hoggaaminayo senator Donald Payne oo ah xubin ka tirsan aqalka sare ee odayada. Wuxuu soo casuumay dhammaan darafyada Soomaalida, waxaase shirkaas diiday oo ku gacan saydhay Daahir Rayaale Kaahin. Senator Payne wuxuu shirka kaga hanjabay luuqad ka arradan diblamaasiyada isagoo yidhi, ‘Somaliland waanu ciqaabi doonaa oo waxaanu ku sandulayn doonaa Federaalka.’

Shirkaas ka dib waxaa u dusay xoghayihii arrimaha dibedda ee xisbiga Kulmiye dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo kulan qarsoodiya la qaatay Payne. Markii danbe January 2010 waxaa Washington tagay guddoomiyihii xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Iyadoo halkaas marayso ayuu kornayl Cabdilaahi Yuusuf Axmed BBC-da uu waraysi siiyay isagoo Siilaanyo ku duray inuu weligii aaminsanaa fikirka gooni-u-goosadka.

Wuxuu BBC u sheegay, ‘Waqtigii aan madaxda ka ahaa SSDF ayaan Siilaanyo oo guddoomiyihii SNM ahaa u soo jeediyay in aanu midowno. Wuxuu igu yidhi Siilaanyo midoobi mayno oo xisaab lixdankii iga khaldantay ayaan saxayaa. Markaa ninkaa Siilaanyo weligii ba gooni-u-goosad ayuu aaminsanaa.’

Axmed Siilaanyo ayaa maalintii xigtay iska difaacay idaacadda VOA-da isagoo leh anigu weligayba Federaal ayaan aaminsanaa oo xataa warqadii aan Federaalka ku soo jeedinayay waxaan qoray 1991 oo waa la heli karayaa. Arrintaas iyo dabaylihii Siilaanyo ku kacay isagoo musharax madaxweyne ahaa iyo sidii loo maareeyay ee bulshada loo jiheeyay waxaan u dhaafayaa taariikhyannada.

Si kasta oo loo dedaalay haddana rabitaankii Federaalku si wacan ugama hirgelin Somaliland. Waxaanu garan waynay waxa hortaagan, qoladaydu se waxay tuhunsan yihiin in ay halkan ka taliso awood qarsoon oo tooda ka xoog iyo xeelad badan. Si kedis ah ayaa la iigu diray in aan hawl ka soo fuliyo Kampala.

Waxaa la doonayay in lagu qanciyo dhallinyarta wax ka barata Uganda sidii ay ugu biiri lahaayeen ciidamo loo dhisayo Soomaaliya. Waxaan fadhiistay xaafada Soomaalidu u badan tahay ee Kisenya si aan u ugaadhsado dhallinyar han leh oo aan ciyaarta soo geliyo. Dhallinyar badan kuma niyadsamayn in ay fikirkaa ila qaataan. Si kasta oo aan ugu beer-lulo Museveni ku dayda isagoo dhallinyar ah ayuu Uganda qabsaday, ma helin cid ii soo dabacda.

Ujeedka iyo qorshuhu wuxuu ahaa in la helo 500 oo wiil ama ugu yaraan 200 isku aragti ah loona leyliyo saraakiil ciidan oo markii loo baahdo dalka xukunkiisa qabsan kara. Si looga sii xijaabto Shiinaha oo faro kulul kula jira Geeska ama in uun uu qorshe B ugu noqdo madaxda maqaarsaarka ah ee Soomaalida Koonfureed haddii ay ka leexdaan jidka loo jeexay.

Waxaan ka soo dhoofay anigoo ku hungoobay isku daygaygii. Inkasta oo aanan hawsha keli ku ahayn sidoo kale ay dedaallo kuwan la mid ah ay ka socdeen Djibouti, Itoobiya iyo Sudan. Mar danbe ayay gabadh af-hayeen u ahayd wasaarrada dibedda Maraykanka ay shaacisay in lagu guulaystay qorshe Soomaalida loogu dhisayay ciidamo xirfad leh.

Waxaa la iigu soo hambalyeeyay sida hagar la’aanta ah ee aan u wado hawlaha urrurka. Iyadoo la iigu bushaareeyay in la i siin doono mashruuca qaybtiisii hore oo ay ku baxayso lacag dhan 5 malyuun oo doolar sannadkiiba -wuxuu socon doonaa ilaa 2022-ka inta laga gaadhayo. 2.5 malyuun Hargeysa ayaa lagaga hawlgelayaa, 1.25 Muqdisho iyo 1.25 malyuun oo Garoowe ah.

Paul wuxuu iga rabaa in Soomaalida laga maydho diin Jacaylka. Wuxuu yidhi Soomaalidu waa dad diintooda difaaca xataa iyaga oo aan ku dhaqmin. Dadka dhaqankaas leh way adag tahay in laga lib keeno. Mashruucu waa inuu talaabo talaabo u tirtiraa dhaqankaas wanaagsan.

Waxaanu xarumo ka furnay Hargeysa, Muqdisho iyo Garoowe. Dadka dhullalkaas ku nool ma dareensana waxa aanu la nimid waxaanay noo soo dhaweeyeen sidii dad soo kordhiyay curin cusub. Markii hore waxaanu doonay in aanu u bixino mashruuca ‘maanfur bulsho’, ha yeeshee magac bixintaasi markii aanu u dirnay urrurkii way nagu diideen oo waxay sheegeen in ay kicin karto dad badan oo sas ka qaba soo dhoofinta wax kasta oo cusub.

Waxay nagula taliyeen in aanu ula baxno “Geediga bulshosan”. Waxay yidhaahdeen erayga ‘bulshosan’ ayay ku qanci doonaan oo waxay u qaadan inaad wanaagooda wadaan. Ha yeeshee, qolo wax is-weydiin badan ayaa su’aal ka keeni ‘geediga’, xaggee dadka loo rarayaa ayay odhan, waxaad ku tidhaahdaan xagga san -goortay ogaadaan waa mar aynu fushanay danteena.

Sannadkii koowaad ayaanu qabanay hawshii u horaysay oo si weyn ayay bulshadu u soo dhawaysay. Lacagta waxaa la noo soo mariyay ha’yaddaha qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ah. Inta ugu badan waxaanu ka qaadan jirnay UNTP, iyagu lacagta nama siin jirin ee waxaa noo soo marin jiray shirkaddaha shidaalka oo mashruucan maalgelintiisa lahaa. Waxay doonayaan in bulshada loo sii bisleeyo sidii ay u aqbali lahayd khaniisnimada, quumuluudnimada, ilxaadka iyo dhaqan kasta oo bidix.

Soomaalidu dhaqannada bidix ma aqbali karaan oo dil bay ka xigaan, kaas ayaa la rabaa in la ogolaysiiyo oo ay caadi u arkaan. Mar baan is idhi weydii madaxdii aan u shaqaynayay su’aal ahayd: miyaan Soomaalida lala ganacsan karin iyadoon la beddelin dhaqankooda. Ma weydiin, mar danbe ayaan ogaaday in ay qayb ka tahay nidaamkooda. Meel na ma maalgeliyaan ilaa ay dhaqan dooriyaan.

Waxaan hoos nafta ugu sheegay malaha Shiinaha ayaa kuwan dhaama. Shiinuhu maalgelinta uu bixinayo shuruudo dhaqan kuma xidho, xagga dhismaha kaabayaashaa dhaqaale iyagaa uga wanaagsan Afrika marka reer galbeedka la barbardhigo. Shiinuhu hal iin ah ayuu leeyahay taas oo ah in aanu lahayn awood ciidan oo uu ku difaaca danihiisa iyo danaha dawladdaha soo dhawaysta -bal eeg uun Suudaan, Nigeria iyo Ethiopia.

Guushaa aan guddaha ka gaadhnay ka dib ayaa la igu soo casuumay shir ka dhacayay Nairobi. Shirku wuxuu daarnaa sidii wax la isaga weydiin lahaa sirta nidaamka Somaliland oo guurtida ah iyo sidii doorashooyinka ay guusha ka gaadheen looga faa’idaysan lahaa in ay noqoto fursad bulshada lagu qaybin karo. Guurtida cadaawad weyn ayay u qabeen oo waxay aaminsan yihiin in ay tahay golle lagu kala babdaaday oo nabadda ka shaqeeya.

Waxay soo jeediyeen in dacaayad lagu furo si marka danbe sirtooda loogu dhaxal wareejiyo si fudud loona doorto sida wakiillada oo kale. Waxay is tuseen haddii ay taa ku guulaystaan in ay luminayaan xikmadda loo aasaasay gollaha guurtida. Ta doorashooyinka waxay soo direen in daraasad laga sameeyo si loo abuuri karo aragti cusub oo keenaysa in beello kala guulaystaan. Soomaalida dhexdeedana beel u adkaysan karta in laga badiyay way adag tahay. Daraasaddaa waxaa maalgelisay ha’yad astaanteedu ahayd laba qof oo iska soo horjeedda.

Shirkaa waxaan usii dhaafay London oo aan ku soo qaatay bil nasasho ah. Markaan soo dhoofayay ayaan cagta soo geliyay xaruntii urrurka, waxay igula kaftameen in Soomaalidu tahay dad adkaysi badan oo asal ah oo ay adag tahay in la beddelo. Wuxuu ii sheegay waqtigii gumaystaha in ay u yimaadeen Afrika oo inteeda badan muslim tahay haddana si dhibyar ayaanu u doorinay -Soomaalidana dhowr qof mooyee waanu ku guuldaraysanay in aanu dhaqankooda ka kaxayno.

Kulan sannadeed kasta waxaan u keenaa toddobo ilaa sagaal khaniis. Mid ama laba ayay ka gartaan oo ay ku furaan buuq yar oo aan ka badnayn saddex cisho -marka danbena sida xunbada ayuu iska degaa buuqaasi, anaguna hawshayada ayaanu iska wadanaa. Keenista Quumu-Luudka waxaanu uga dan leenahay waa in aanu ubadka soo koraya uga dhigno tusaale ay ku daydaan.

Kulamo hoose ayaanu ugu diyaarinaa in ay dhallinyarta kula hadlaan, waxaanay u jeediyeen hadallo u badan dhiirigelin ay dhallinyarta ku farayaan in ay jabiyaan darbiga dhaqanka, fikirka duugga ah iyo wax ay ugu yeedhaan dib-u-socodnimada. Waxay ku beerlaxawsadaan maskax furnaada oo aqbala waxa cusub.

Qof, laba ilaa saddex waanu doorinay ilaa hadda, waxaase aanu khaati ka taagannahay dhowr wadaad. Berg ayaan habeenkii danbe ka helay isagoo ku jira bartiisa Skype. Cabaar ayaanu is xaal waraysanay, markii danbe ayaan u sheegay waxa naga haysta wadaado caqabad ku ah mashruucayaga. Berg isma dhibin ee wuxuu igu yidhi kuwaa ‘laambadoodii’ way bakhtiday ee ha ka baqan.

Wuxuu yidhi, waxaanu nahay qoom sahan dirta marka ay dan leeyihiin iyo markasta oo ay dal ku duulayaan. Waqtigii aanu qorshaynay in aanu dumino khilaafadii Islaamka ayaanu sahan u soo dirnay nin oday ah oo caqli badan. Wuxuu safar ugu baxay caasimadii Islaamka ee Qunusdandiiniya, intii aanu magaalada gelin ayuu la kulmay caruur duleedka magaalada joogta.

Mid ooyaya ayuu ku yidhi, Adeer, maxaa kugu dhacay ee aad la ooyaysaa. Wuxuu ugu jawaabay, toban leeb ayaan ganay oo mid ayaan la waayay halkii aan shiishayay. Odaygii wuxuu ku yidhi oo sagaal baad la heshee maxaa kaa oohiyay, wiilkii yaraa ee muslimka ahaa wuxuu yidhi, gamuunkaa tobnaad ee aan la waayay waxa ku badbaadaya cadowga islaamka, taas baan ka ilmaynayaa.

Halkii buu odaygii sahanka ahaa ka soo noqday oo sheegay in aanay dhawayn xilligii la qabsan lahaa khilaafada Islaamka. Isla odaygaasi waqti danbe ayuu soo noqday sidii si la mid ah ayuu arkay wiil yar oo ooyaya, markuu weydiiyay wuxuu ka ilmaynayo, wiilkii wuxuu u sheegay inuu waayay gabadh uu jeclaa. Markaas ayuu sahankii noo sheegay in la gaadhay waqtigii la dumin lahaa khilaafada Islaamka-sidii baana aanu ku burburinay ilaa magaceeda la waayay cid soo qaada.

Wuxuu iigu daray in ay waqti dhawayd koox gaallo ah ay ku sheegeen culimo Islaam ah. Waxay soo mariyeen dhowr wadan oo Islaam ah cid garata ayay waayeen. Markaas ayaanu garanay in ay bakhtiday ‘laambadii’ dunida muslimka u baxaysay. Hadda, way lacag jecel yihiin oo wax badan oo saamayn ah malaha ee ha u joojin ayuu si cad iigu yidhi.

Waxaan weydiiyay bal inuu kuwii hore iiga waramo. Berg wuxuu igu yidhi waqtiga ayaa igu yare nimankaasi waa xoog aan ku nasan weynay. Waqti ayaaanu doonay in aanu sixir ku soo aasno Masar. Diyaaraddii siday sixirka ayaa si lama filaan ah ugu dhacday Siinaay. Waanu garan waynay waxa soo riday. Soddon sanno ka dib anagoo dhacdadaa baadhayna ayaa magaalada Sharmasheekh uu nin kuwaa hore ka mid ahaa noogu sheegay inuu diyaaradda soo riday wadaad Soomaali ah oo ducadiisii kaga adkaaday sharkii aanu wadnay.

Wuxuu Berg sidoo kale ii xaqiijiyay in urrurka dhexdiisa ay kor u kacayaan awoodda xubnaha xagjirka ah ee doonaya in aanu Soomaaliya la wareegno 2020. Wuxuu yidhi Ordogan ayaa 2011 shimbir u noqday Soomaalida isagoo si fudud ku kala daadiyay qorshihii degsanaa. Haddase damaca lagu doonayo in Soomaaliya dib loogu qabsado rag baa miiska soo saaray.

Waxay doonayaan in ay dunida tusaan in Soomaalidu soo celin kari wayday amnigii oo ay hanan weyday dawladnimadii. Sidaana lagu qanciyo ummadaha ilbaxa ah in Soomaalidu isku talin waydee ay haboon tahay in loo taliyo. 60,000 oo askari oo UN-ta ah ayaa hawshaa loo diyaarinayaa marka loo baahdo in qorshahaa la fuliyo.

Qorre: Imaam Cbadiraxmaan

About the author

Abdirahman Simodi

View all posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.