Siyaasada Geeska Afrika & Khayraadka kujira
Siyaasada Geeska Afrika & Khayraadka kujira

Siyaasada Geeska Afrika & Khayraadka kujira

Wali waa sidedi oo waxba iskamay badalin siyaasada ku wajahan wadamada Geeska Afrka, stratijada taal ee lagujoogo waa tii hore ee lagu isticmaarku dhigay ee lagu qaybsaday Afrika, kaliya waxaa isbadalay gumeystayaashi ku hirdamayey geeska Afrika ayaa jawi casriya amuuraha ubadalay. Tarikhda gumeysta iyo sifuhuu kusoo galay wadamada geeska afrika waxaa astaan u ah dagaalkii dhexmaray Itoobiya iyo Talyaaniga ee ka dhacay xuduuda Eritariya bilowgii qarnigii 18aad.

Dabayaaqadi 1880gii ayaa afrika loo tashaday. Wadamadii markaa horumarka gaadhay ee reer Yurub siiba kuwooda ugu cadcad wakhtigaa ayaa ogaansaday inay qaybsadaan qaarada afrika duunyo iyo dadba (1884 Berlin). Shirka Berlin ka dhacay ayaa noqday mid taarikhda baal madow kagala saancadaale ayaa afrika ku qaybsaday nin madax ahi kamuu maqnayn Ibliis’na dheho, waa laguwada socday in Afrika lagumeysto khayraadkana la bililiqaysto.

Shirkaa Berlin ka dhacay waxaa lagu gaadhay in wadankastaa soo xulo ragii kasoo talo bixin lahaa qaabka ugu macquulsan ee loo gumeysankaro dadka madmow, ragaa xeeldheerey ku ah sida qaarad iyo qoom loo gumeysto ayaa soo go’aamiyey in Afrika lagusii daayo rag xul ah oo tababaran oo isugujira wadaado, diblomasiyiin iyo saraakil cidaan kuwaaso shaqadoodu noqondoonto inay macluumad ka keenan wacyiga dhabta ah ee kajira qaarada duulanka lagu yahay. Rag tababaran ee qaarada loo soodiray waxay soo sheegen inay suurtogal tahay in laqabsankaro dadka madmadow oo lagumaysan karo. Wadamada isku afkaar ahiba gaar ayey isu abaabulen si’ay dhulbaaxadleh markaliya ugu wadataliyaan. Qabsashada Afrika wey ku wadasocdeen lakinse marka arinku soogadho manfaca waxaad mooda in qabsanaani jirtay. Isticmaarku wuxuu kusoo horeeyey oo ku hor bilaabay qarjajacda wadamada xeebaha leh oo kadibna ugasii gudbeen wadamada badhtamaha Afrika.

Geeska Afrika, Talyaaniga iyo xulufadiisa waxay abaaren Eritriya oo waqooyi-bari kasoo galeen, koonfurta Somaliya “Italian Somaliland” xeebta dheer ee koonfur kutaal bay kasoo dageen. Ingiriis iyo xulufadiisa waxay kasoo degeen waqooyiga Soomaliya “British Somaliland” iyo xeebta Kenya. Jarmal wuxuu isku balaadhiyey wadamada Tanzania, Zinzibar iyo wadamada kale ee ku dhow. Fransiisku wuxuu kasoo dul degay ciisaha iyo canfarta. Ethiopia may lahayn xeeb ugaara oo waa loogu danbaysiiyey; waxaa muhiim ah inaynu aqoonsanaano in boqortoya Ethiopia markaa kajirtay ay saaxibo ku lahayd calaamka dawlado waaweyn oo mabaadiida kiristanka haysta tixgaliyana dalalka diinta kiristanka wadamada haysta.

Talyaaniga ayaa ugu cadcadaa wadamada damacu waday, wuxuuna danaynayey inuu kaligii ka taliyo Geeska Afrika waana takeenay in mabaadiida “Italian Manafesto” meelo badan baahiyo. Talyaanigu bilowgiiba wuxuu aqoonsaday in Ethiopia laf dhabar u tahay qacan ku haynta wadamada geeska. Ethiopia ayaa noqotay dal dhul badan ka Talisa bulsho tiro badani ku nooshahay oo dal mustaqbal wax soosar leh laga helikaro dhaqaale badan ayuu daraasadka Talyaanigu sheegay. Qabsasho rasmiga oo Ethiopia lagu qabsanaayo ayaa Talyaanigu go’aamiyey, dagaalki ugu horeeyey ee dhexmara labada dal wuxuu ka dhacay dhul udhow xuduuda Ereitriya isla goobtaas oo dagaal qadhaadh ku dhexmaray cidamadii Talyaaniga iyo kuwii Ethiopia difaacayey.  General Orasta Berlioni ayaa watay cidanka Talyaniga goobtaas ayaa lagu lajabiyey general Berlioni iyo cidaanku watayba.  Soo rogaal celistii danbe ayuu Talyaanigu ku guuleystay inuu ka xoog roonado cidamada Ethioipia waxaan la qabsaday Adis Ababa oo Talyaanigu xukumayey 6 sano.

Qabsashadii afrika waxaa xigay Dagaalkii labaad ee dunida “WW2” oo salka ku haya kala riixsasho khayraad, in wadankale oo xor ah isticmaar lahoos geeyo leeyahay iyo hogaaminta siyaasada dunida cid qabanaysa. Ingiriis iyo xulufadii lasocotay ayaa marlabaad ka itaal roonaday xulufadii Talyaaniga. Xulufadii shuuciyada “Mousilini” kujiray baananka ayaa looturay waxaana kursigii Talyaaniga soo fadhiistay Mareekan. Wixii ka danbeeyey dagaalkii 2aad ee dunida Mareekanka ayaa noqday guwada koobad “Pax Mareccan” talada dunida wax laga waydiiyo wuxuuna kala wareegay Ingiriis Pax Britannica” dardar cusub ayuu mareekan kulasoo dhexdhacay geedisocodkii reer yurub ee kasoo unkaday Berlin 1884 “QAATAYE QAATO”, Mareekanku wuxuu noqday quwada kaliya ee isticmaashay bambada nukliyeerka dagaalkii labaad ee dunida; midhaas ayaa argagax iyo cabsi ku abuurtay dunida inteedikale oo u sandulaysay wadankasta inuu awaamirta Mareekanka u hogaamsamo. Mareekanka ayaa noqon awooda kaliya ee dunida kajirta si’ markaa loo ilaaliyo dheelitirnimada caalamka ayaa shuuciyadii Ruushka hoosta looga dhiibay foormulada laga sameeyey nukliyeerka.

Guud ahaan Soomalida “Italian Somaliland”, labo awoodood ayaa jooga oo odhaahda ugu danbaysa ka dhiibtay masiirka soomalida iyo geedisocodka siyaasada geeska afrika labada dal waa labada  ee dunida ku haysta dimoqradiyada iyo lacagta waa Ingiriis iyo Mareekanka. Ingiriiska siyaasadiisu waa mid qabo “passive” oo hoosta ayuu kaga nabanyahay dhaqdhaaqkasta oo caalamka kasocda halka Mareekanku siyaasadisu tahay mid muuqada “active” oo dhusha sare ka maamusha masiirka soomalida. Wadamada geeska afrika dhaxal waxaa u helay mareekan iyo ingriiska iyaga ayaana wax laga weydiiya mustaqbalka wadamadaa. Arinkasuna sidaas ayuu ahaanaya ilaa iyo inta qaramada midoobay fadhiisinkoodu yahay Mareekanka oo uu Washington martiqaadayso dunida, ma suurtoobayso in siyaasada uu Mareekan ee geeska afrika ka damacsanyahay la liiciyo.

Ingiriis si’aanu gebi ahaanba saaxada siyaasada geeska uga bixin wuxuu mareekanka ku qancinayey in heshiiskii hore ee Berlin walijiro oo dalalka geeska afrika saami ugu helay in Ingriisku maamulo oo mareekan ku qabsankarin waana sababta kaliya ee uu Ingiriis wali ugasii lusho wadama geeska heshiis afgarasho ah ayey kuwada joogan. Kenya waa maxmiyada Ingiriiska xeebta dheer Kenya waxay ugu  talogaleen inay ka khaawisaan badda paific ocean iyo beriga dhexe ee afrikada.

Waxynu ogsoonahay in dagaalki labaad “WW2” ee dunida ka dhacay iyo garabkii guuleystay aan lagusoo koobi karin mareekan iyo ingiriis lakinse xulufo wadasocotay ay wadajabiyeen cidamadii Jarmalka. Wadama guusha dhinacooda ka sheegta waxaa kamid ah fransiiska iyo ruuska. Inkastoo aanu Fransisku qayb libaax ka qaadan dagaalka dhacay 1949-45 iyo xoreyn Yurub oo ah xisaabta isku ay riixan isticmaarku marka arinku soogadho sadbuursanimada misna saami weyn ayuu ka qaatay afrika Fransiisku waxaan loodayey inuu galbeedka afrika haysto. Bariga afrika wuxuu kadagay oo cidhiidhsaday Djabuuti oo noqotay meel bala buuq ah. Ruushku wuxuu ku mashquulsanaa fadhiisinta iyo hirgalinta falsafadii shuuciyada halka wadamada reer galbeedku dhankooda baalasha kalabixinayey oo ay qaybsanayey dunida inteedakale.

Wakhti danbe oo dunidii laqabsaday ayuu soo baraarugay Ruushku wuxuuna bilaabay inuu afkaar (idelogiyad) ku salaysan hantiwadaag oo lidku ah ta ideolojiyada isticmaarka inuu ku banaysto, wayna shaqaysay oo aqoonyahano ku tababaran afkaarta hantiwadaaga ayuu kusoo dhextuuray dalalkii isticmaarku haystay. Wuxuu shidaal ugasii dhigay inuu hubeeyo dhaqdhaqaaqa lagu dagaalamayo isticmaarka, wadankastoo iska kiciya wuxuu ugu abaal gudayey inuu wadankiisa tababaro iyo farsamo ugu qaado.

Isutagii sufyeedka, 1940kii ayuu geeska afrika xoogiisu yimi waxaan afkarta shuuciyada markiba ladhacay Soomalida iyo qaybo kamid ah Ethiopia, inkastoo ingiriis iyo mareekan dusha kalasocdeen oo xadhigkasta oo shuuciyadu xidhoba furayeen misna shuuciyadu way ka dhextoostay geeska afrika. Geeska afrika wuxuu noqday meel dawlado waa weyn iyo dawladihii martida loo ahaaba oo lakala safan isticmaarka iyo shuuciyada ku hirdamaan, waana takeentay inaan horumar taama aanay marnaba ka hirgalin dalalka geeska afrika, hadba qoloda dibada joogta ayaa afganbi “regime change” iyo jabhado ku minjo xaabinayey  qolyaha kale ee talada haya oo markaa iyagu madaxa lakacay talaabooyin horumarineed sameeyey. Horumarku wuxuu yimaada marka talada dhinac loodayo oo aan laga shaashayn si wakhti loogu helo hindisaha markaa jooga.

Qoraalka intiisa hore wuxuu bundhig u yahay sooyaal geeska afrika wuxuuna inaga caawinaysa inaynu fahamno siyaasadaha kaladuwan ee iskuhaya wadamada geeska iyo qaabka lookala raacay. Waxaa kasii muhiimsan oo sooyalka tarikhda geeska iyo cida iskuhaysa inoo sahlay inaynu saadal dhamastiran iyo biyo-dhiga siyasadeed ee geeska ku danbayndoono.

Geo-politcalka kajira geeska afrika iyo wadamada ku hirdamaya ayaa u muuqda inay ka gudbeen marxaladii koobad waxayna isu diyaarinayaan marxalad labaad midhaas oo ah jawi horumarineed iyo dhaqaaale sidii laysugu maquunin lahaa. Durtubo marxaladaa labaad way muuqata waxaanad arkay isasootarista mashaarici waa weyn ee dhaqaalaha xambaarsan oo kusoo badanaya wadamada geeska. China oo matalay shuuciyada ahna calansidaha hantiwadaaga cusub ayaa mashaaric balaadhan ka bilowday Ethiopia, wadooyin, shidaal qodis, dhismayaal iwm. Dhinaca ‘II QABO AAN QAATE’ ayaa wada mashaaric kale oo hindisaha ka danbeeya yahay in lakasbado quluubta shacabka, Beribera Corridor, Sanyare Berbera to Dollow, Engineer Yarisow Project, DP World, sahaminta shidaal, dimoqradiyada. Mashaaricda lagu horumarinayo wadamada geeska noocaydoonaan ha noqdaan waxay ka turjumayaan marxalada labada ee laysku reebayo cida katalindoonta Gesska Afrika.

Lakinse intaynaa halkaa hore ugasii socon bal aynu soo qaadano qolyaha siyaasada dunida dilaala iyo saamaynta ay kuyeeshan go’aamada dunida ka dhaca. Siyaasada dunida waxaa hagta lacag, inbadan, “markaasta” siyaasada caalamka ka aloolsan iyo dhaqaalahu way wadasocdaan. Markaynu sidaa lee nahay waxaynu ujeedna “faro’aan dufan lahayni waxba maduugan’ qolyahay lacagta iska leh, waa bangiyada iyo shirkadaha lacagta samaysa.

Tariikhda raad raaca lacagta waxay inala gelay koox gaara oo ah marka laga yimaado hogaamada dalalka matala noqonaya kooxda labaad ee dunida ugu saamaynta badan ee la dhagaysto. Kooxdasu waa mulkiilayaasha lacagta (e.x Rothschild family) oo ka kooban dhawr qoys oo shuraako ah, waa shirkadaha shidaalka qoda (seven sisters),  International Monetary Fund “IMF”, Wold Bank “WB”, Banks of International Settlements “BIS” iyo jaranjarada ugu hoosaysa oo ah bangiyada dhexe ee dawlada u adeega. Kooxda aynu sheegnay waxay gacanta ku hayaan dhaqaalaha dunida guud ahaanba shilin aanay ka warhayni systemka lacagaha dunida laga aqoonsanyahay masoogalo. Waxay ka warhayaan khayraadka dunida meeshu doono hakujiree waxay gacanta ku hayaan dalalka waa weyn ee saamaynta siyaasaded leh. Waa koox markay macaash raadis ah yihiin dunida roga, waxay qayb ka yihiin qalabaa-gadiska dunida iyo indho sacraadka lagu abuuro hanti aan horujirin “lacag” waxay maal galiyaan daagalada dunida ka dhaca.

Dagaalada loo nisbeeyo inay sababtooda lahaayen inay dhacaan waxaa kamid ah dagaalkii Waterloo, dagaalkii koobad iyo kii labaadba, Ciraak iyo Afganistan. Dagaalada dunida ka dhaca cidna way ku khasaarta oo dalal baa lagu waaya cidkalena way ka faa’ida oo u hadha. Waddan jira ayaa khalkhal siyaasiya lagalinaya si’uu u burburo waxaa lala wareegaya wixii soo hadha markaasa hantidiisa misna dibu looudhisaya inta lacag la amaahiyo, markasta waa u macaash. Waa qolyo aminsan in 100kii sano mar la baandheeyo siyaasada dunida kajirta si’aan farsamooyinkooda loola qabsan.

Qorshayasha laga leyahay Geeska Afrika ee waji labaad galay waxaa hagaya kooxdan macaashdoonka ah oo siyaasiyiinta geeska saamaynta kuleh gacanta ku haya. 70kii, ayaa wadamada carabta lagusoo galay mashaaric iyo shidaal qodis. Wadamada reer galbeedku waxay aminsanyihiin in marka ugu horeysa in lays daad raaciyo (siyaasada ingiriiska) oo siyaasad qabo lagu soo dhuunto danahooda ay leeyihiin waxayna ilcaamiyaan mashaaric horumarineed iyo in lala dagaalamo saboolnimada ayaa foodsaro u ah waxayna awooda saaran xukunka inaanay kala fogaan. Saaxibo dhaw ayaa laga dhexsamaysta dalalka markaa diiradu saraantahay, hadii tooda noqonweydo waxay keensadaan cidkale oo afkaarta socodsiisa. Waxay ka hawlgalaan haldoorka bulshada saamayn kuleh wadaad, suldaan, siyaasi iyo ganacsato waxaana lagu maamusa dhaqaale iyo xilal, hadii ay ka maarmi waydo waxaa loogu daraa caafimad dibada ah.

Intooda badan hogaamiyaasha salaanka kusoo fuulay “QAADO AAN KAA QATEE” waxay lakulmaan waji gabax waxayna ogaadan inay siyaasad qorshaysan oo dhinac kaliya usocota qaybka ahaayen. Waxaynu taarikhda ku haynaa wadamadii dimoqradiyada laga hirgaliyey ee misna isla dimoqradiyadu ciqaabtay inay dareenka qabeen. Iran waxay kamid ahayd wadamada dimoqraadiyada qaatay ee horumarka ku talaabsaday, wakhtiga horumarka Iraan waxaa labarbar dhigaa inuu lamid yahay horumarka wadamada reer galbeedka. Shidaalka laga helay Iraan iyo qaabka wanaagsan ee loo maamulay loona ilaaliyey dakhliga ayaa sabab u ahaa isbadalka Iraan. Lakinse, Shirkadihii markaa gacanta ku hayey shidaalka Iraan ee ‘dimoqraadiga’ ayaa dareemay inaan dad soo jeeda hantidooda aan si’fudud gacmaha laga buuxsan karin waxay kadoor bideen inay dimoqradiyadii Iraan ku badhaadhay afganbiyaan oo talada udhiiban boqorkkii caanaha ku maydhanjiray “Shaah”.

Sadaam Xusein ka hor intaanu noqon horror cidkasta cagta mariya wuxuu ahaa dimuqraadi lawato oo shuruudaha lagu xidhay oo dhan buuxiya waana tii loo dhiibay Ciraaq. Sidii uu uyidhi ina xisaabiya inbadan baan shacabka idinka hayey oo aad qaadanayseen ayuu noqday mid kutunta shareecada biniadamka, digteytar kurdida iwm waa tii hadhcad iyo maalin ciida la daldalay. Sii la mid jaranjarada lajiifiyaana banaaan ayaa Qaafi iyo Robert Mugaabe lagusoo waday lakinse danbe ayey noqdeen coomadeyaal dimoqraadiyada ka horymi.

Siyaasada ku wajahan khayraad dunida waa inloo hela dariiq lagu laba gacmoodiyo waa inay jiraan shikhsiyaad ama koox bulshada indhaha qaba inta laga xaalufinayo khayraadka dalka. Geeska afrika waxaa kujira khayraad badan oo dunida jihaynkara 100 sano ee socoda. Khayraadka ugu badaani wuxuu kujira dhulka Soomalidu degto. Khayraadku waa laba nooc mid qeedhin (dhagax) iyo mid bisil (dareere) dhaqaalaha xoogisu wuxuu kujira midka dareeraha ah. Khayraadka dareeraha ahi wuxuu ukala baxa saliid madow iyo gaas dabiiciga ah. Bad iyo beri waxaa lagu qiyaasa 100 billion oo foosto hadiiba aanu kabadnayn (wadanka 4aad dunida). 1800tiyadii ayaa sahankii ugu horeeyey ee shidaal ragu raadinayo laga sameeyey geeska afrika waxaana laxaqiijiyey in mid bisil iyo mid qeedhinba ay ceegagan dhulka sahanka laga sameeyey. 1900gii ilaa 1957kii, waxaa lafuliyey oo kuxigay wareegi labaad ee lagu ogaanayo jiyoolojiga dhulka khayraadku fadhiyo waxaana la hubsaday baaxada dhulka uu kujiro iyo siduu ugu kalabadan yahay wadamada geeska afrika. Waxaa kuxigtay oo ladajiyey siyaasada lagu wajihidoono khayraadka Geeska laga helay iyo qaabka ugu macquulsan ee loo sosaarikaro. Waxay go’aamiyeen inaan wakhtigan lasoo saarin shidaalka geeska afrika ilaa iyo inta laga dhamaynayo shidaalka kujira wadamada carabta. Waxaynu ka warhaynaa maanta in wadamada carabta shidaalkoodu inuu gaabsi kusiijiro wakhtigii shidaalka Geeska Afrika kujirayna gaadhay waktigi lasoo saarilaha. Ceelasha kuyaalay dhulka Soomalida degto ayaa noqday kuwada ugu saliida badan waxaana la gaadhay wakhtigii looqabtay in daboolka lagaqaado. Waana arinka ugu muhiimsan ee hagaya siyaasada ka aloolsan wadamada Geeska Afrika.

Ethiopia oo aynu soo sheeganay inay halbawle u tahay wadamada Geeska ayaa nasiib u heshay inay noqoto wadanka ugu horeeya ee heshiis ku gaadha inloo soo saro shidaalka kujira degaanka Soomalida. Arinkaa shidaalka laga qodoyo Layslama sugine, dawladihii danaynayey iyo ururadii banaanka kajoogay talada dalka Ethiopia ayaa ka horymi shidaal qodista waxaana xigtay inuu bilaabmo dagaalki 77.

Wadamada midigta ayaa wakhtigaa hoosta kaga jiray Mingiste lakinse waa lagaga itaal roonaaday inaan shidaal laga qodin kilika 5aad. Mareekan, markii Ethiopia dhinaca bidixda raacday iyagoo dareensan in Soomalida dagaalka lagu dhiirigeliyey oo dhabarka lasoo taabtay ayuu isna utalaabay dhinac Soomaliya oo markaa isku dhacsan shuuciga. Markiiba heshiisyo cusub oo shidaalka khuseeya ayaa lagalay Soomaliya. Isla dabayaaqadi 70kii shirkado kasocda wadamada reer galbeedka ayaa kasoo degay Moqdisho oo sahan iyo qodis shidaalba ka bilaabay bad iyo beriba. Heshiiska dhexmaray Maxamed Siyaad Barre iyo shirkadaha mareekanka ayaa ah arinta ugu muhiimsan ee Farmaajo xukunka ujoogo.

Ingiriis, waxaad mooda inaanu heshiiska shidaalka Soomaliya iyo Mareekanku wadagaadhen aanu kujirin oo aanu waxba kulahayn, waxaan la odhankara in maqnaanta uu Ingiriis ka maqanyahay heshiiska shidaalka keenay in siyaasada Soomalidu iskadaba wareeg kujirto oo anay dhinac udhicin oo Mareekan iyo Ingiriisku ku kala qaybsanaado roadmapka soomlida loo jeexay. Iyadoo sidaastay warhaynaa ka warhaynaa in heshiiskii shidaalka laga saaray kor u haynta “Force Majeure” oo sahan shidaal kasocdo meelo badan dhulka Soomalidu degto oo kolokastaba dhankeeda ka horarsanayso.

Marna reer galbeed way kala socdaan oo khayraadka sidii looqaybsan lahaa ayaa laysku haya oo Mareekanku inuu Ingiriiska wax kasiiyo ma ogola Turkiga ayuu labada doorbidayaa. Ingiriis’na wuxuu tab iyo xeelada isugu geeyey inuu Somaliland aanu siidayn oo ku gorgortamo. Habsocdka siyaasadeed ee kajira Moqdisho iyo Hargeisa waa isku mid oo labada waa looyedhiyaa, waxay kakala duulan labada aragtiyood ee Mareekanka iyo Ingiriiska kalawataan. Soomaliya inay midowdo Mareekan iyo Ingiriis way kuwadasocdaan oo inlamidoobo waa ka raali lakinse waxay isku hayaan oo anay kuwada socon qaabka dheefta shidaalka loo qaybsanaayo. Waxay kala aminsanyihiin oo in federal system iyo co-federal system inlakala ahaado. Mareekan wuxuu xal u arkaa oo leyahay in maamul wadag iyo awood qaybsi “federal system” la sameeyo isgoo markaa ilaalinaya heshiiski uu ka siigadhsiyey Maxamed Siyaad Barre ee kootada shidaalka Soomalida loogu xidhay shirkadaha shidaalka Mareekanka. Halka Ingiriis dabada hayo oo aminsanyahay isagoo saamiqaybsiga shidaalka maanka ku haya xalka Soomali ku dagikarto u arka nadaam in loo sameeyo “co-federal system”, Co-federal systemka ayaa farsad siinaya in shidaalka Soomaliya qaybtiisa qaato..

About the author

Abdirahman Simodi

View all posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.