“Signs and Symbols Rule the world, not rules and law” – Confesius
(Kala danbaynta & sharciyada dunida, waxaa badalidoona calaamadaha & astaamaha)
“Shirkigu wuxuu noqonayaa akhrisamanka sida qudhaanjo madow oo ku dulsocota dhagax, madow habeen madow” Tafseer ibn Katheer
“Dunida laga aaminsanyahay cilmi baaldilka waxay aminsanyihiin in calaamadaha ama sumadaha (kuwo khaas ah) inay alifeen sixiroolayaal kuwaas oo lakaa shaday Lucifer/Satan kana faa’idaystay cilmi ugaar ka ah”. Magic, It’s ritual, Power & Purpose, W E Butler
Kalmada “symbol” asal ahaan waxaa laga soo xigtay Greega: “Greek súmbolon”
Calaamad/Astaan (Symbolism) waxaa loo isticmaala inta badan marka sharaxaad laga bixinayo fekar, qoraal, hadal muhiima, goob ama dhisme iwt. “Symbolism” waa luuqad lasoo uruuriyey waa asalkii iyo bilowgii luuqadaha. Fagaare kaaga baahan qoraal dheer iyo sharaxaad cod ayaad ku daboolay astaan ama taswiir aad soo bandhigtid. Cilmiga astaamaha “Symbolism” waxaa adeegsada oo yaqaan gabyaaga, qoraaga, iyo guud ahaan dadka hal abuurka leh waxayna intabadan ku xoojiyaan xogta ay usoo gubinayaa bulshada.
Cilmiga symbolism, intaan maskaxda cilmaaniga ahi qaadan isticmaalka iyo ka fa’idaysiga aqoonta kujirta cilmigan waxaa yaqiinay oo lagasoo qaatay xadaaradihii hore (dhinaca aqoonta) ee ujanjeedhay dhinaca dhaqanka iyo diinta (metaphysics) oo iyagu aminsanaa in waxkasta bilow leeyihiin iyo in shaykasta asal iyo koobijiro. Xadaaradii hore ee ku salaysnayn dhaqanka iyo diinta wadasocda waxay aminsanyihiin in luuqada/codka intaanay afka kasoo bixin qaab sawir ah marka hore maanka ugujira oo markadanbe isubdala cod laysku fahmo, waa luuqada bilowgeedi. Wakhtigan aynu kujirno markaad u kuur gashid waxaad ogaanayn in cilmiga looqaan ka faidaysiga astaamaha “Symbolism” wali la isticmaalo oo dad aan ehel u ahayn adeegsadaan, waxaanad ku dhexarkay heesa, aflaamta, gacansiga iwm.
Siyaabo kala duwan bay u isticmaalan dadka aqoonta dheer uleh cilmiga astaamaha waxayna ku saleeyan hadba mawduuca tagaan oo kusoo ladhaan astaamo/sumado ka turjumaya afkaarta markaa taagan, si cilmiyeysan oo mid wax akhriya iyo midaan wax akhrini ufahmikaro ayaa usoodhigan oo ku muujiyaan mawduuca cida wadata iyo jihada loo wado.
Siyaabo dadban ayaa cilmigan bulshada loola wadaaga; tusaale wacan waxaa inoogu filaan in qoraal markiisi horeba watay ujeedo gaar ah ayaa lagusoo xoojinaya astaan/calaamad macno gaara xambaarsan oo ama xoojinay qoraalka ama lid ku ah ku dhexarkay ja’raaidka, buugata iyo meelo kaleba, hadba sida loodhigo astaanta ayey ku xidhantahay fahamka iyo ujeedada laga ladoonayo inla qaato. Sideedaba dadku way ku qaybsamaan turjumida calaaadaha oo qaarna way fahmaan arinka looga goleeyahay dadna ma fahmaan fariinta ku duugan astaanta hortaal ee lala wadaagay oo macno badan umasamaynayso.
Saamaynta nololmaalmeedka & Calaamdaha
Wakhtiyadan danbe waxaad mooda in bulshada reer Soomalilaan inay kusoo badanayaa isticmaalka boodhadhka calaamadaha iyo astaamaha kala gedisan sita kuwaaso intabdan aan la fahamsanayn nuxurka ku ladhan. Tukaamada caadiga, dhismayaash kala gedisan ee magaalada kuyaal, farmasiiyada, magacayada xaafadaha, habliihii oo yurub iyo magacyo aan afsoomali ahayn loo bixiyey iyo fagaarayaal kale oo lagu xardhay astaamo aan dhaqankeena lagasoo maangurin ayaad kula kulmay.
Waxaad dareemaysa in isbadal jiro oo lala jaanqaday dunida casriga ah “The civilized world” ee horumarku kusoo horeyey; waxaad dareemay in tii laguu keenay aynaan la jaanqadin teenina ka tagnay oo meel dhaxe heehabayno. Waxaad dareemaysa in bulshadu ka digorogotay miyigii oo inoo ahaa asal iyo bilow meesha aynu kasoo jeedno. Waxaa isbadalay, miyigii ayaa maagalo noqday, magaaladii ayaa miyi noqotay , geedigii ayaa ganacsi noqday, dharkii labada qayd ahaa ee la xidhanjiray ayaa isubadalay iskujoog “Nike track suits”. Bakhaaradii iyo goobihii bulshadu isugu imanaysay ayaa noqday kuwo lagu hayo cunto dibadeed aan wadanka lagu aqoon boodhkii sudhnaa dushooda ee macluumadka bakhaarka ayaa af-qalad ku xardhan, hadii aad usii firsatid waxaa lagayaaba in macnaha kalmadaha lasoo qaatay aan lagaranayn macnahooda rasmiga ah amase si khaldan looqoray. Waxaad dareemay inuu isbadal jiro oo jaahwareer jiro.
Isbadal inuu kuyimaado bulsho meel isugutimi waa muhiim oo yaan khalad laga famin isbadalka dhacaya, waxaa xaqiiqa ah oo badhis lagu sameeyey in hadii aan isbadal bulshda ku iman “wakhti cayiman” inloo aqoonsado bulshda mid aan hormarsamaynayn waan waajib in markasta la helo maskax lasocta wacyiga taagan oo lajaanqadaysa isbadala iyo horumarka kasocda dunida.
Lakinse qaabkee iyo isbadalkee; ayaa muhiim ah in marka hore lays waydiiyo. Waxaynu ujeednaa oo qoraaladeenu ubadan yihiin isbadalka casriga ah ee dhalanteedka ah ee khiyaamada ku dhisan inaan lagu hungoobin. Isbadal dunida ka dhacay 100kii sano ee inasoo dhaafay waxaa laga yaaba inuu hagaajiyey dunida koobad, lakinse inuu dunida sadexaadna hagaajinayo lama hubo waxay ubadantahay inaanu anfacin iyaga oo ay ubaahanyihiin dhaqokale. Hadaad cimilada qabow u xidhatid dharka laga xidho afrika sow arin kaldan ma aha. Waa inaad kalasaari kartaa ah arinka adiga dhibka kugu haya ee aan horumarka kuu lahayn iyo dhinaca horumarku kaaxigo. Hadii lagaa kaxeeyo tii aad lahayd oo aanad samaysan kayd fursad kuu siinaya inaad mar alaale markaad waxba garanweydiid odhanlayd inagu celiya meeshi aynu ka nimi iyo dhaqankeeni soo jireenka (e.x miyigii oo laxoojiyo, xoolaha nool oo la kobciyo, beeraha gacanta laguusii hayo) waxaa noqonay gacan baahan oo maxbuusa.
Inakoo ka makhraati kacayna inuu isbadal jiro bulshada oo shaykastaa kaguuray meeshi lagu yaqiin waxaa iyaduna dhab ah in astaamaha iyo calaamada inagusoo badanaya ay lasocdaan isbadalka jira oo waliba aynu odhankarno iyaga ayaaba kasoo horeeya horumarka oo safka hore cidhiidhsaday.
Waxaynu wadnaa oo isku daynaa inaynu wax ka qorno oo yara iftiimino isticmaalka calamada kuwaaso soo xoogsaday 25 sano ee ugu danbaysay, Somaliland. Isbadalka khuseeya bulshada waxaa daraasad iyo dabagal ku sameeya aqoonyankooda dalka udhashay oo soo bandhiga gorfeynta iyo fekerka lagu wajahayo jawiga cusub, aqoonyanka bulshda ku dhexjiray ayey masuuliyadu saran tahay in bulshada baraarujiyaan. Dhinaceena, waxaynu isku dayeeyna inaynu soo bandhigno cilmiga kujira calaamadaha iyo nuxurka ay xambaarsanyihiin. Waxaa inoo dheerada oo aynu ku daraynaa turjumida saxda ah ee looga yaqaan dunida iyo sida dunida casriga ahi uga faa’idaystaan isticmaalka calaamdaha kala gedisan. Waxaanu ogsoonahay inuu mawduucanu yahay mid bulshada ku cusub oo dareen kalagedisan abuurayo.
Cilmiga turjumida astaamaha dunida kuma cusba siweyn ayaa looga yaqaan, waana mawduuc dhaqangalay 100 sano ee ugu danbeeyey. 100 sano ee iminka dhamaaday ayaa lagu tiryaa tarikhda inuu yahay wakhti isbadal weyn dhacay oo dunida gaadhay heer aanay hore ugaadhin, waa halka tarikhyanku tilmaaman in waxkasta oo degdeg kuyimi markaa tarikhda la eegayo inay fashil iyo murugo ku danbeeyan. Calaamada iyo ka faa’idaysiga aqoonta ku ladhan waxaa la nisbeeya inay ka danbeeyan shikhsiyaad tixraacado galayo inay caabudan shaydaanka, waa isla kuwa loo nisbeeyo inay hormoodka ka yihiin horumarka casriga iyo geedisocodka dunida ku talaabsatay. Waa ururo/shikhsiyaad leh awood dhaqaale, haysta awood dawladeed, afduubay boqortooyinkii soo jireenka ahaa amase ugaadhsaday aqoontii bulshada ka dhaxaysay oo manabolaas gareeyey kana dhigay aqoon gaar loo leeyahay leh. Cilmiga turjimidda calaamadaha waa cilmi balaadhan waxaynu iskudayeynaa inaynu ku eekaano calamadaha/sumadaha “logo” ay isticmaalan shirkaddaha ganacsiga ee dunida ka hawlgala iyo ujeedada laga dheehankaro iyo nuxurka ay xambaarsanyihiin.
Bulsho meel kuwada nool waxaa caado ah in laga helo dhaqamo ugaar ah oo asalkoodu salka ku hayo dhaqan iyo diin. Waxyaabaha kale ee loogu yimaado bulsho meel kuwada nool waxaa kamid ah astaamo ukhaasa kuwaaso ka turjumaya nololmaalmedka iyo waxay aminsanyihiin. Waxaad arkaysaa calamo kaladuwan oo aduunka oo dhan laga isticmaalo oo isku micne samaynaya fahamka laga qaataana yahay mid kaliya; tusaale wacan waxaynu kusoo qaadan karnaa boodhadhka wadooyinka. Wadamada horumaray waxay isticmaalan calaamado isku fariin kaliya waxayna sitaan kaladho isku mid ah, bluug, Akhtar iyo casaan; cadaanku waa udhex.
Si’lamid ah calaamdaha wadooyinka ayaa ganacsiga iyo siyaasada loogu isticmala astaamaha oo laysku gartaa. Tusaale, xisbiyada waxay qaatan shay dabiicya oo macno gaara samaynaya iyo kaladh isna turjumid gaara leh; mareekan waxaa ka jira “Republicans” iyo “Democrats” inakoon aan wakhtigan hoos ugu dhaadhacayn afkaartoda waxaynu ee gaynaa astaamaha ay kala sitaan oo kala ah dameer iyo maroodi. Maroodigu waa Republicanka waana casaan halka dameerku yahay buluug. Sawiirka ka turjumaya xayawaanka iyo kaladhada ay soo bandhigeen ayaa wax badan kuu sheegaya.
Micnaha dabayaal isticmaalka calaamadaha ee marna siyaasada looga faa’idaysanaayo marna gacansiga iyo diimaha waxay intabadan la xidhiidhsan yihiin dareenka qofka oo looga faa’idaysanayaa. Tusaale, cunista roodhida iyo khamriga oo ah qaadashada kiristaanka (roodhida waa tii nabi Ciise siiyey ardaydiisa, halka khamrigu yahay dhiigi Ciise) markay soo qaatan ama aad aragtid siyaasi sawir noocas ah ku kujira waxaa la hadlaya bulshda kiristiyaanitiga oo dareenkooda lagusoo jiidanaya.
Waxaynu kaloo tusaale kusoo qaadan karnaa calaamada Swastikada ee Nazigu isticmaali jiray wakhtigii Hitler. Hadii aad aragtid dad calaamada ladaba wado waa dad la canbaaraynayo oo cunsirino iyo tarikhda Hitler qoorta loo sudhayo, waana astaan dhinacyada siyaasada isku hayaan isu adeegsadaan. Waa inaad aqoon iyo faham uleedahay ujeedada laga leeyahay astaamaha si’aan wax laguuguyelin oo aad garankartaa macnaha ay xambaarsanyihiin calaamadu.
Dhinaca kale, waxaa iyaguna jira wadamo iyagu macnokale uyaqaan calaamad waxkale laga aminsanyahay wadankale, tusaale, Hinduism iyo Budhism calaamda Swastikada ee Hitler micno kale ayey usamaysaa oo wadamada Eeshiya waxaa looga yaqaan calaamad xambaarsan fariin weyn oo diiniya.
Kitaabka Hinduism ee “Sanskrit magaca svasti waa nasiib, mudnaan iyo maal/aduunyo; dhaqanka Budhiska waa calaamada xambaarsan aqoon iyo iftiin. Fahamka iyo aqoonta aad uleedahay calaamdaha waxay kuu saamaxayaan bulsho aad dhextimid aanad meel kaga dhicin afkaarta ay aminsanyihiin.
Isticmaalka calaamadaha waxaynu odhankaraa waxay qayb muhiim ah kayihiin asaaska dhaqanka bini’aadamka. Calaamaduhu waa bundhiga bulshada waxayna qayb kayihiin dhisida, wadashaqaynta iyo fahamka bini’adamka meelkasta oo ay joogan, waxay calaamdahu ka qaybqaatan inay ukala turjumaan dareenka dadka iyo dunida inaga qarsoon ee jinnku kunool yahay.
Hadii ay noqoto calan, trafiik laydhka, diblumaasiyiin, diimo iyo saanis waxay dhamaantood laga simanyahay inay sitoos ah ama sidadban u isticmaalan astaan “Symbolism” xambaarsan fariin siyaabo kala duwan laysu waydaarsanayo. Saamaynta ugu weyn ee biniadamku sameeyey waa markuu hadlay ee uu cod kaasoo baxay sameeyey hadal macno leh. Ka hor dhawaaqa iyo hadalka maankaga ayey xogtu kujirtay oo ruuxda ayaa taqaanay. Calaamad/calaamado maskaxdaada kujiray ayaa isubadalay dhawaaq. Cilmiga calaamada wuxuu la falgalaya cilmiga psychologiga, cilmiga tixraaca bini’adamka “anthropology”, cilmiga falaasofiga “philosophy” iyo cilmiga luuqadaha “linguistics”.
Cilmiga calaamadaha waxaa la aminsanyahay inay alifeen quruumihii hore una isticmaalijireen sidii ay nafta/ruuxda ula macaamili lahaayen, dooda waxaa lagu xoojiya riyooyinka dadku turjumtaan oo laga aminsanyahay in xogta ruuxdu ku hayso qaab calamaad ama taswiir ah warka ku hesho. Dhacdo wakhti hore dhacay “myth” ayaa qaab sawirad ah maanka ugu jirta oo maanka ku kaydsan, sidaa waxaa qaba waxaan Sigmund Freud aabihii saykoolojiyada.
Calaamadaha Sugaanta (Arts symbolism)
Sugaanta astaamaha kujira “Arts Symbolism”, qarnigii 19kii ayuu hirgalay farshaxnimada taswiirta (paints) qacanta lagu qaado waxaan isasootaray xiisaha looqabo sawirada gacanta lagu qaado. Qarnigaa waxaa shaqaynayey oo falsafadoodu saamayn lahayd qolyaha aminsan in diinta iyo dhaqanka dagaal lagu qaado “Realism” oo aan raali ka ahayn in wax cilmi iyo aqoon sheegta oo kooda ka madaxbanaan inaan bulshda looso bandhigikarin, waana arinta keenay in cilmiga symbolismka laladagaalo oo aanu ku dhex faafin bulshda. Hadana iyadoo dagaal lagulo jiro misna sugaanleydu oo ay kujiraan sawirlayaashu way isticmaalijireen inay fariimahooda ku muujiyaan taswiir iyo gabayo “Art Symbolism” sidaana xogta ugusoo gudbiyaan dadka xiisaynaya. Sugaanleyda iyo hal abuurka reer yurub ee wakhtigaa noola cilmiga “Art symbolism” way hirgaliyeen waana laga faa’iday oo ilaa wakhtigan aynu joogno waa laga qadariyaa hogotusaalaynta kujira suuganta iyo sawirada gacanta lagu qaado.
Astaamaha Kaladhada “Colour symbolism”
Astaamaha Kaladhada (Colour symbolism) waa soojireen, waxaana isticmaalijiray quruumii hore. Kaladh kastaa macno gaara iyo turjumid u khaas ah ayuu lahaa, ilaa wakhiyadii hore ilaa iminka kaladhada la isticmaalo isla macnaa hore ayuunbay ku fadhiyaan isbadalin, lakinse hadba mawduuca taagan in micnaha loo ee kaysiiyo waa macquul.
- Madow (Black) waa mugdi iyo waxaan naftu jeclayn.
- Casaan (Red) waa daganaansho la’aan, argagax, dagaal, werwer.
- Lilly (basalli) wuxuu turjumay qurux iyo doonis, soo jiidasho.
- Cadaan (white) wuxuu turjumaya nadiif, daacad.
- Akhtar (green) wuxuu turjumaya nabadgalyo, barako, barwaaqo.
- Rosy () waa jacayl.
- Violet: waa khajilaad.
Astaamaha Diimaha “Religious symbolism”
Astaamaha diimaha (Religious symbolism) kujira ee la isticmaalo way badan yihiin, waxaynu kusoo koobaynaa calaaamada ay kalasitaan sadex diin ee samaawiga ah. Markastoo aad arkatid astaan diin waxaa laga yaaba in quluubtada ay kusoo dhacdo laba dareen oo iska soo horjeeda miduun, ama waa ku farxay ama waad ka naxay. Dareemada iyo astaanta ayaa wadasocda. Astaamaha diiniga ah waxay ka turjumaan oo utaagan yihiin qaadashada iyo aminsanaanta afkaarta diintasu xambaarsan tahay.
Calaamadaha Kiristanka (Christian symbolism) way badanyihiin. Astaamaha kiristanku xushmeeyo waxaa kamid ah astaanta koobka “The Holy Grail”, koob kaas oo ah markii dhaawaca loogaystay nabi Ciise in nabaradii lagu dhaqay koob biyo kujiraan “The Holy Grail” oo loodiiday dhiigi jidhkiisa kassocday inuu dhulka taabto. Iyagoo xusaya dhacdadaa ayey koobka astaan ahaan usooqaaten oo lagu matalay inuu yahay koobkii barakaysnaa oo ilaa iminkaa la baadigoobo meel uu yaal. Astaanta ugu caansan ee kiristanku qaaten waa laanqayrta (iskutalaabta) waxaanad ku arkay meelo badan sida sugaanta, sawiro ka turjumaya iskutaabta, dhismayaasha kiniisadaha (Art Symbolism) iyo kutubta kiristiyaanitiga.
Astaanta Yuhuuda ( Jewish Symbolism) ee loo yaqaan “David Star” ama “Seal of Solomon” waa calaamad u dhaqangashay Yahuuda oo dunida laga yaqaan waxaanad ugu imanay oo ay kujirtaa meelo badan sida dhanka yahuuda oo markasta lagusoo bandhigo, sugaanta, kutubtii hore iyo dhismayaasha ay isuguyimaadan, waa astaan macno badan ku fadhida.
Astaanta Islaamka ( Islamic Symbolism) hadiiba laga maarmi waayo in astaan ugaara muslimiinta loo nisbeeyo bil cirka eegay ayaa lasoo qaata. Tarikhda astaanta bil cirka eegay waxaa iska lahaa Salaxadin Ayuubi waxaan sitay bisha cirka eegay cidamadii Jerusalem uu ku qabsaday, mid lamid ah bishaa cirka eegay ee Salaxadiin sidanjiray waxaa iyaguna qaatay oo astaan ka dhigtay Mamaluukii Masar joogay. Lakinse, waxaa isku fuuqsaday oo astaan Islaamka lagu garto muslimiinta usameeyey Cismaaniyiinti.
Astaamaha dhaqanka dadka (Symbolic Anthropology)
Astaamaha Dhaqanka dadka (Symbolic anthropology) waa barashada calaamada ku dhexjira dhaqanka iyo inaad kadhex heshid bulshda astaamo u ay caado ah uleeyin oo ay isku fahmaan, oo leh ujeedo gaara iyo lana istcimaalo wakhti gaara (e.x suul dhabaale waa hadal hadana waa si gooniya). Waa inaad turjuman kartid luuqada amuuska ah ee xambaarsan xog ama ujeedo gaar ah oo laysu sheegayo. Tusaale wacan oo aynu ku fahmikarno astaamaha dhaqanka dadka (Symbolic Anthropology) macnaha durugsan ee ay leedahay waxaynu kusoo qaadan karnaa astaanta sullka markaa lagu siiyo ee kor lootaago (thumbs-up) waxaynu u turjumanaa qanac, in raali lagayahay.
Asalkeeda suulka kor lootagayo wuxuu ka yimi boqortooyadii roomanka waxaana isticmaalijiray Empror Nero. Empror Nero wuxuu ahaa nin jecel madadaalada. Wuxuu alifay ciyaar ax maqanimo kujirto, garoon ayuu dadka isugukeen jiray markasu rag dagaal ama danbikale loo haysto seefo iyo waramo isugu dhiibo odhanjiray islaaya hadaba ka dhulka lagu rido ee laga gacan sareeyeyo ayuu tarabuunka ka amrijiray inuu daayo waranka oo aan nafta laga jarin suulka ayuuna uga ishaaraynjiray oo taagijiray; iyo hadii uu damco inladilo isla suulka ayuu foororin jiray, waana waa ladila. Iraan, suulka kor lootago waa cay halka yurub aan lagula yaabayn hadii aad suulka taagtid iyo hadii aad hoos udhigtid midna.
Astaamaha macnaha gaaka ah xambaarsan (Symbolic Objects) “Metaphor”
Astaamaha sarbeeta xambaarsan ee lagusoo halqabsanayo shay (Symbolic Objects) waxaa loo turjumtaa si kaduwan sida caadiga ah ee loo turjumo calaamadaha. Intabadan qaab sarbeed ah ayaa looga faa’idaysta “symbolic objects”, marka shay caadiya oo looyaqaan lagu shabahayo arin ama mawduuc ayuu cilmiganu soogalay. Tusaale waxaynu kusoo qaadan karnaa hadii aad silsilad is’haysata oo isku dhagan waxaa loo turjumaa laba arin oo aan kala maarmin oo hadii ay xataa kala maqanyihiin marun isu imanaya. Tusaalekale hadii aynu soo qaadano salaanka, waa astaan muhiima marka laga hadlayo cilmiga symbolismka wuxuuna turjumadeeda qaata inuu yahay xidhiidhka ama wada loo maro ee u dhaxaysa “Heaven” samada iyo dunida ”Earth”, macno kale maleh.