Astaanta xaaxeyada “Shell” waxay ka amineen inay barako xambaarsantahay oo khasatan qaabilsantahay in hadii laqaato ama laxidho aydaan fiqri iyo gaajo isarkayn. Hadii hindise inaad maalqabeen noqotid kusoo dhaco waaxaad qaadanaysaa xaaxeeyo. Xaaxeeyadu waxay ladagaalantaa gaajada iyo fiqriga. Waxay kaloo ka amineen in haadii xaaxeyo kaa ag dhawdahay aad ilmo badan dhalaysid waa astaan jacayl xaaxeeyadu dhinacakale. Astaanta Xaaxeyada waxay utaagan tahay oo laraaciyaa dhinaca dhediga waxaana loo nisbeeya ilaahada Aphrodite inay leedahay.
Wadanka Isbayn waxaa jira wado caan ah oo kiristanku u cummra “xaj” tagaan, waxaana taga oo ubadan dhalinyarada markaa aqal galay iyo lamaane aan ubad helin. Waxaa laga aminay inuu maray wadadaa nin barakaysan oo sirta jacaylka sitaya wuxuu lugeeyey jid dheer oo markiidanbe loogu magaca daray wadaadka jacaylka xambaarsan “Spain’s famous Way of Saint James” (a.k.a the road to Santiago) kumanaansano ayaa wadadaa la marayey waana jidka jacaylka. Xaaxeeyada jidkaa ayaa loo nisbeeya inay taalay oo lagu arkijiray. Shirkada ugu caansan inay sumad u ahaato astaanta xaaxeeyada waa shirkada shidaalka ee looyaqaan Shell oil Company. Shirkada Shell jacayl iyo caruur kama raadinayso astaanta xaaxeeyad lakinse waxay usocotaa inay xoolo iyo lacag ku hesho.
