Griiga, intaan mufakarayaasha waa weyn sida Socratees iyo Plato usoobixin qoomiyad giriiga waxay ahaayen bulsho aan waxba isweydiin oo wixii loolayimado qaadanjiray. Wakhtigaa ay ilaahyada badan lahaayen waxaa jirtay oo ay aminsanaayen inuu jiro faras duula oo samada dhulka ukala duula. Faraskaa duula waxay uyaqaanen Begasoos “The Pegasus”. Begasoos waxay lahayd balaal waa weyn wayna dheerayn jirtay. Begasoos waxay utaagan tahay oo loo turjumaa xawaare-samaawiya, awood, nolol waarta, dhimasho la’aanta iyo ilaaliyaha ruuxda marka samada loo dheelmiyo.
Begasoos “The Pegasus” waxay lasoo shaqaysay Poseidon, Athena, Minerva, Zeus iyo Jupiter. Xataa Tarikhooyinkale oo soo arooray ayaad ku dhex arkay faras duula oo samada inaga yimi lakinse tarikhda rasmiga ah ee tilmaamay faras duula waxayn ku hayn Bureekh oo nabi Maxamed cs samada uqaaday. Astaanta begasooska ilaa 360 BC – 450 BC waa layaqaanay oo ama lacagta lagu muujinjiray Begosooska ama meelo kale ayaa lagu xardhijiray. Samankan aynu xataa waxaa arkay shirkado sita magaca Begasoos ama astaanta Begasoos oo ah faras duulaya.
