Astaanta Yuruba “Europa”
Astaanta Yuruba “Europa”

Astaanta Yurub “Europa”

Wakhti jaahiligii Giriiga waxaa jirtay inan qurux badan oo la odhanjiray “Europa”. Europa waxay kasoo jeeday qoys caan ah oo degaanka badhatamaha iyo yurubta-bari laga qadariyo. Waxaa dhalay reer boqorka Finooshiyanka “Phoenician” wakhtigaa. Europa waxaa caashaqay oo shukaansaday intuu dunida yimi ilaaha Zues. Europa way doonanay oo meelkale ayey xanjo ugu dhaganay Zeus waxay usheegtaya inay doonantaya oo anay diyaar u ahayn in sheeko dhexmarto.

Europa & dibiga cad (Zeus)

Zeus, bartaa kuma joogin wuxuu iskasoo soo dhigay dibi cad oo qurux badan, dushayda soo fuul aanla ardoo ayuu ku yidhi Europa sidaas ayeyna dushiisa uga baxday. Markii ay dusha uga baxday ee uu isku hubsaday ayuu samada uladuulay oo uu ku afduubay inantii “Europa”. Wakhti danbe oo ay islasoo rafaaden ayuu soo dejiyey “Zeus” inantii “Europa” jasiirad layidhaah “Crete” halkas oo ay ku dhashay Minos, Rhadamanthus, and Sarpedon. Sheekadaa lagu malo awaalayo ee dhexmaray Zeus iyo inanta ayaa laga keenay magaca Europe. Astaanta “Europa” waa dibi iyo inann dulsaaran waxaanad ku arkay meelo badan oo ay kamid yihiin lacagta yuurada.

About the author

Abdirahman Simodi

View all posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.