Bisha “The Crescent” & Xidigta “Star”
Bisha “The Crescent” & Xidigta “Star”

Bisha “The Crescent” & Xidigta “Star”

Bal aynu eegno astaamaha diimaha kala gadisan ee dunida ka jira iyo meelaha ay kasoo kalajeedan. Diinta Islaamka waxaa astaan u ah bisha iyo xidigta oo cidii aragtaa markiiba la xidhiidhinayaan muslimiinta. Tarikh fog ayey leeyihiin bisha iyo xidigta wadasocda waynu kala qaadayna tarikhdooda. Inakoo ka aan ku habsaamayn inay bishu tahay astaanta muslimiinta waxaynu raadinayn bal in astaan bisha iyo xidigta qoomkale isticmaalijirey oo aqoon loolaha. Qoomkii babalooniyanka way yaqaanen bisha. Bishu waxay kamid ahayd ilaahyada farabdan ee ay xusijireen waxaana loo yaqaanay Nanna “The Moon god Sin” afka sumerianka.

Roomankii, Bersiyankii, Basantiumkii iyo wakhtiyo kaleba wayjirtay astaanta bisha siyaabo kaladuwan ayaana loo turjumanjiray; (Parthians (247-224 BC, Mithradates (147 BC), Susa (140 BC), Orodes II (58-38 BC) iyo Sassanids (224-631 CE), Moon goddesses (Selene-Luna or Artemis-Diana).

Lix geeslay, Lanqayr & Bisha iyo Xidigta

Dhinaca xidigta “The Star” waxay tarikhdeedu kula galay wakhtigaa Nimruud noola, sababa keenay in tarikhda noocan ah ay kulagalay wakhtigaa iyo qoomkaas ayaa aad loo qadarin jiray xidigaha iyo meereyaasha wareega. Wakhtigaa oo iminka lagajoogo 3000 sano iyo dhulka markaa la odhanjiray Mesabatoomiya ayaa cilmi falaga ku dheerayn jiray oo nololshooda caadiga ahi ku xidhnayd. Xidigta waxay uyaqaanen ilaah “Inanna” “godess Ishtar” waxaan loo nisbayn jiray oo ku xidhnayd xaaska Nmruud ee Samiraames siweyna waa loo xusijiray xidigta Samiraames. Qoomiyado kale oo sida ama ilaah la caabudo ka dhigta way jireen sida wakhtigan aynu ku jiro loo helayo qoom caabuda xidigta.

The Star of Venus = Star of Ishtar, an ancient symbol originating in Iraq 2000 BC . Historically to represent the Babylonian and Assyrian Goddess Ishtar. Also used in Phoenician culture to represent Venus and the goddess Astarte (a counterpart of Ishtar)

Hadii aynu taarikh hore kusoo aragnay bisha iyo xidigta waxaynu isweydiinaynaa meesha ay kasoo galeen islaamka iyo in astaan muslimiintu leedahay laka keenay. Wakhtigii cismaaniyiinta ayaa labadan astaamod laga dhigay inay calaamado lagu garto muslimiinta oo ay soo shaac baxeen. Taarikhdu waxay inoo sheegay in astaanta bisha iyo xidigta uu lahaa Suldaan Cismaan oo ahaa ninkii asaasay taliskii cismaaniyiinta dunida muslimiinta wakhtigaa dheer usoo talinayey. Suldaan Cismaan ayaa ku riyooday astaanta bisha oo aduunka ku fiday xukunkeedina gaadhay. Suldaan Cismaan riyadii wuxuu u turjumtay riyo sax ah oo fariin muhiim ah xambaarsa.

Suldaan Cismaan isagoo ka duulaya manaanka uu arkay wuxuu bilaabay inuu ciidan uruuriyo oo dagaal iyo dhul balaadhsi udiyaar garoobo. Dagaal ba’an buu ku qaaday wadamadii ay jaarka ahaayen guulo isdaba joog ahna waa gaadhay ilaa uu qabsadayba dunida sadex meelod meel. Guusha uu soo hooyey iyo riyadii uu Suldaanku manaanka ku arkay wuxuu go’aansaday bisha iyo xidigta inuu kadhigto astaan ugaar ah, sidaas bay ku noqotay sumad lagu garto boqortooyadisa oo muslim ahayd dunida islaamkana kusoo gashay.

Waxaynu intaa raacinaynaa ka hor diinta Islaamka intaanay qaadan qoomiyada Turkidu waxay lahaayen diin kale oo layidhaah “Tengeris” oo ku saleysnayd khuraafad iyo xidigaha oo ilaah laga dhigto siduu qoomiyadihii ka horeeyey ee nawaaxiga turkiga ku noolan jiray. Diinta Tengriiska astaan waxaa u ahaa bil iyo kabaal. Waxaynu kaloo xusaynaa in wakhtigii Nabi Maxamed (cs) jirin astaanta bisha iyo xidigta wadasocda oo xataa asxaabti aqoon astaan gaar u ah muslimiinta (hadii aan laga tegin bisha oo kaligeeda cirkana eegaysa) xadiis iyo quraan kareem lagama hayo bil iyo xidig wadasocda. Inakoo ka duulayna astaamahan Islaamka loo nisbeeyey ee masaajida dusha kasaaran arinkoodu siduu noqonayo, waxaynu kaloo eegayna ileyn nabi muu ahayn Suldaan Cismaan wuxuu ahaa bashar Islaamka u hiiliyey oo xusidiisa mudan; maqaadan karnaa riyadiisa oo astaan loo nisbeeyo diinta Islaamka ma laga dhigikaraa. Tariikhda meelokale ayaad ugu imanay astaanta bil iyo xidigta wadasocda waxaana isticmaalijiray oo astaan u ahayd qoomka kunoola buuraha slafaakiya siiba labada qabiil ee loo yaqaanay yajuuj iyo majuuj.

Magoog/Majuuj, Illyria/Slavs/6th century

About the author

Abdirahman Simodi

View all posts

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.