Astaanta Maska Orooboros “The Ouroboro”
Astaanta Maska Orooboros “The Ouroboro”

Astaanta Maska Orooboros “The Ouroboro”

Maska looyaqaan “Ouroboro” ee ku caanbax inuu dibkiisa liqo ama cuno ilaa uu kagaadhayo meesha ugu danbaysa ee aan u saamaxayn inuu isliqo gebi ahaanba ayaa noqonaya astaan dunida caan ka ah. Wuxuu astaan u yahay wareega aan dhamaystirka lahayn “INFINITY” oo loola jeedo nolosha dunida ka jirta oo ah mid ahaan dhamaanayn. Waxaa lagu salaynayaa cilmiga sayniska ee ina odhanaya in waxkasta oo jira dunida guud keeda ayey ka yimaaden oo ay ku noqonayaan. Dadka aminsan inaan akhri jirin oo hadii la dhinto aad ciid noqonay iyo inaan xisaab bini’adamka ka danbayn ayaa astaanta maska “Ouroboro” isticmaalaha waxaanad ku arkay in qarniyadii hore chemstriga “Alchemy” maskan Ouroboro calaamad u ahaa. Astaanta Ouroboro waxay ka turjumay nololsha oo aan dhamaan markastana dib nololshu usoo cusboonaato “re-creating, the eternal return”.  

Maska Orooboros

Wakhtigii fircooniyada qarnigii 14 dhalashadii nabi Ciise ka hor maska waxaa wadanjiray sixiroolayaasha wakhtigaana wuxuu ahaa astaan degaanka laga wadayaqaan oo la qadariyo. Qarniyadii hore maska “Ouroboros” astaan ahaan wuxuu utaagna oo ka turjumayey dunida isku dheelitiran loona baahnayn in waxkale lagusoo daro sida afkaarta diimaha lagasoo xigtay iyo arimaha lidka ku ah afkaarta khuraafadlayasha. Ninmanka dhiiri galiya astaamahan hafkoodu wax kale ma aha waa inay bahdilaan maskaxda bini’adamka oo kaga ciyaaran caqliga. Xayawaanka dunida ugu liita ee gartay inuu dibkiisa cuno oo isgoo nool is cunaya ayey ku sheegen oo u nisbeeyen inuu matalo shay dhamaystiran iyo aqoon durugsan, ILAAHAY AYAA DHAMAYSTIRAN.

About the author

Abdirahman Simodi

View all posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.