Laadhu "Dice
Laadhu "Dice

Laadhu “Dice”

Ciyaarta  looyaqan laadhuu waa ciyaar soojireen ah oo tarikhdeedu fogtahay waxay kula galaysa wakhti aan tariikhaba la qorijirin. Wadamada Asia ayaa soo shaacsaaray in laadhuda dadka shicibka ahi ciyaaran keentayna in loo badalo qaabkan maanta dunida looga ciyaaro waxaana laga ciyaarijirey wadamadaa ilaa iminkana laga ciyaara. Lakiinse taridkhda rasmiga ah ee ciyaarta Laadhuuda waxay kulagalaysaa wakhtigii Babalooniyanka oo aynu kajoogno 7000 sano iyo wakhtigii fircoon 3000 sano. Bablooniyanka waxbadan oo aan lamahadin ayaa inagaa yimi wakhtigii Nimruud boqorka u ahaa sixirkuna soo degay.

Wakhtigaa Bablooniyanka tarikhduna ahayd 7000 sano ayey tarikhyahanku isku raacen in markii ugu horeysay lagu dhex arkay degaanada uu xukumijirey Nimruud oo laadhuda laga ciyaarijirey. Intaan alad madadaalo loo badalin laadhuda waxay madaxda kunool magaalada Ur ee koonfurta Mesapotomia u isticmaalijiren inay ka faashadan. Mardanbe ayey ubadaleen in madaxda sare isku madadaaliso “Royal Game of Ur”.

Babalooniyanka laadhudu waxay uga sii talowday wadamada xadaaradu markaa ka jirtay ee China iyo India. Giriiga iyo Yurubta galbeed qarnigii 13aad ayey soo gaadhay oo siyaabo kala duwan u ciyaarijiray. Wadamada kale ee ay soo gaadhay laadhuudu siidi Babalooniyanka ayey iyaguna ka faashanjireen siiba marka duulan iyo dagaal laqaadayo waxayna dalbanjireen ilaahyada nasiibka sidii arinka ay damacsanyihiin loogu iftiimiyo intaanay hawlgalka bilaabin. Sidaa si lamid ah ugaadhsiga markay ubaxayaan ayey laadhuuda tuurijireen si ay u ogaadaan jihada ama dhinaca ugaadhu ka xigto oo ilaaha nasiibku uga caawiyo.

Yurub, talyaaniga waxaynu ku haynaa in markay ciidamada imbrotooriyada Roomanku dulaan tegayaan inay ladhuuda ka faashan jireen. Intaan dhulka ama saxarrada lagu siidayn laadhuda ayaa looyeedhi jirey ilaahi nasiibka uqaabilsana inuu yimaado oo talada dulaanka wax ku darsado. Ilaa hogaamiyihi caanka ahaa Julia Ceaser laadhuda ayuu tuurijirey waa kii lahaa “The die is cast” oo uu ulajeeday laadhudii wa latuuray hadii ay dhulka ku dhacdo meel talada lagasoo noqdo maleh. Turubka iyo dumnada waxay ku salaysanyihiin oo lagasoo xigtay laadhuda waxaana laga aminsanaa in cilmi kabaxsan kan biniadamka meesha kujiro oo awoodihiisa leh ilaahyo maamulaan.

 Sidaa aynu korku xusnay wakhtiyadii hore laadhuda waxaa loo isticmaalijirey dhinaca saadasha ama cilmu falaga bulshadana madaxda ayaa ku ciyaarijirtay oo isku madadaalinjirey lakiinse cida laguyaqiin inay isticmaalan ladhuuda iyo aladaha kale ee  lamid ka ah waxay ahaayen sixiroolashasha. Yurub markay soo gaadhay ayaa loobadalay qaabkan loogu khamaaro “gambling” ee casriga ah dunidana wadagaadhay.

Wakhtiyadii hore laadhuda waxaa laga samayn jirey dhagxaanta, lafaha xoolaha siiba raafka xoolaha, wakhtiyadii danbe ayaa caag iyo loox loo badalay inlaga sameeyo.

Caadiyan, laadhuda waxaa loo sameeya qaab isku wareeg “square” ah, wakhtiyadii hore ee dunida lagu arkay waxay caan ku ahayd oo looyaqanay qaabka isu wareega “square’’.

Markaynu usoo dhaadhacno nuxurka kujira iyo cilmiga “SYMBOLISM” ka markiiba waxaynu garan karaynaa in meesha sirokale kujiraan oo anay laadhudu ahayn wax iska caadiya oo la xardhay lakiinse ubaahan in loo kuurgalo si loofahmo siraha ku qarsoon. Diinta kiristanka, yahuuda iyo Islamka way ka dayriyeen ladhuuda. Wakhtigii nabi Maxamed (cs) waa laxaarameyey laadhuda.

Hadii aynu ka bilowno astaanta koobad ee ubaahan inla fahamo siloo helo sirta ku duugan sababaha loo xaarameeyey waxaad ka helay isku wareega noocudonoba ha noqdee “square” oo ka turjumaya dunida “Earth” ama jisad “the physical world”. Isku wareega waxaa loo nisbeeya xidiga “Venus” oo ay illah ahaan u caabudi jireen Babalooniyanku. Cilmiga “SYMBOLISM” isku wareegu waxa uu ka turjumaa darbi kugu hareeraysan iyo jeel, jeelka waxaa kujira oo kusoo dhacday ruuxda. Ruuxda waxaa lagu cabiraa giraan dhamaystiran. Giraanta ayaa ku dhexjirta isku wareega, ruuxda ayaa ku dhexjirta jidhka biniadamka ayey noqonay marka la turjumayo ee aynu adeegsano turjumida Symbolism.

Cilmiga “SYMBOLISM” hadii aynu tusaalekale kasoo qaadano shimbirta qoolayda waxaa loo turjunta inay matasho astaan nabadgelyo dadkuna kama didaan halka maska iyo caasho-badhida loo nisbeeyo jinn iyo argagax. Kaladhka cas waxaa loo turjuntaa dhiig iyo colaad halka cagaarka iyo buluuga maskaxdu ku raaxaysato oo uturjumano jawi qabow iyo nadgelyo. Fahamka aynu ka qaadano isla aragtiyada lagukala turjumayo dacdooyin, Tarikh ama shaykale ayaa cilmiga symbolismka loo isticmaala sharaxaada aynu kusoo koobnay cilmiga symbolismku wuu ka balaadhanyahay.

Astaan isku wareega Waxaa xigta qaabka loo ciyaaro ee saxaradu usamaysantahay. Saxaradu waxay utaal ama udhisantahay qaab cilmiyeysan, waxaana ugu horeeya ee aad arkay kunasoo jiidanaya waa isku-talaabta saxarada ku sawiran. Isku talaabta saxaradu ama afartaa geesod ee iskasoo horjeeda waxaa kusii dhexsawiran godad, godka ugu horeya waa halka ciyaarta laga bilaabo “AMAAN” iyo godka ugu danbeeya ciyaartu ku dhamaato.

Dhinaca “SYMBOLISM” isku-talaabtu waxay kamid tahay astaamaha loo nisbeeyo Ibliiska iyo ciidamadiisa waana astaan caan ah; waxaynu isku talaabta ku hayna tarikhda caanka ah ee in lagu deldelay nabi Ciise(cs). Waynu kaloo tariikhda astaantan kuhaynaa inla isticmaalijiray ka hor daldalaada Ciise oo ciqaab ahaan bulshda lagu ciqaabi jiray ilaa 17000 sano ka hor. Waxaa isticmaalijirey shaydaan caabudka ku nool yurubta – bari oo jinnka kusoo xaadirinjiray danbiilayashana ku daldalijiray.

Isku talaabta waxaa kaloo isticmaalijiray imbaraadooridii roomenka oo iyaguna tuugta iyo danbiilaha ku ciqaabijiray oo ku musbaaraynjiray jirrida geedka oo qaab isku talaaba loo dhigay. Dadka danbiyada waa weyn loohaysto sida kacdoon, dil iyo inuu ka horymi diintii wakhtigaa laga caabudijiray dhulkaa ayaa ciqaabtan arxaandarada leh loo isticmaalijiray. Ataanta isku talaabta “Cross” waa astaan ka turjumay argagax iyo ciqaabta bulshada.

Astaanta isku dalaabtu waa laba xariijimood oo is gooynaya ama isdhaafsan, midi dhinac-dhinac ayey udhacay (horizontal) midna waa toos oo taag (vertical) ayeey ubaxdaa. Cilmiga “SYMBOLISM” labada xariijimood ee isdhaafaya waxay utaagan yihiin labada dariiq ee kala ah xumaan iyo wanaag. Wanaag waxaa utaagan falaadha cirka ujeeda loona turjumo midiglayaasha ku xidhan samada, halka xariijinta balaca (horizontal) loo nisbeeyo dunida. Inakoo kaduulayna cilmiga isku wareega “square” iyo isku talaabta “cross” waxay labadaa calamaadooda inoo tilmaamayan in ciyaarta laadhuda cilmikale oo dadka badankoodu aan aqoon amase fahamsanayn kujiro. Godadka laguuro ee laadhuda waxay inoo sheegayaan darajooyin ama salaan ina dalacsiinaya oo samda iyo meeshi biniadam ka yimi inagu celinaya waxaana ina badhitaaraya ilaahyada nasiibka.

Markaynu turjumano ciyaarta oo aynu dhinacooda istaagno waxay inoo sheegayan in dunidu tahay meel jeel ah, meesha soo layna keenay oo dabino badan una baahan in laga baxo siloogu noqdo samadii aynu kasoo dhacnay. Waxaana inagu celinkara bartii aynu kanimi malaga “Lucifer” oo inaka awgeen loogusoo ciqaabay inuu dhulka yimaado. Astaamaha uu leeyahay LUCIFER/IBLIIS way badanyihiin oo qoraalkan kumasoo darikarno. Lakinse waxaynu tilmaamayna lambarka loo nisbeeyo oo ah LIXDA iyo ISKU TALAAB.

Laadhudu waa tababar loogu talo galay in ruuxada lagu carbiyo si’aanay uga hor iman marka mawduuca rasmiya oo lamid ah qaabka laadhuda looso dhigay inaanay diidin naftaaduna aanay kahor iman oo adeecdo. Waa in ruuxdu  marka looso bandhigo dariiqan samada lagu tegay ee wadaada shaydaan caabudka ah wadaan xidhiidhin kartid wixii horey ay usoo aragtay ee tababarka lagusoo siiyey ee kujirtay ladhuuda iyo ciyaaraha lamid ka ah ee sidan ookale looso dhigay aqbasho.  

Laadhuda waxaa sooraca oo ku xardhan labo astaamod oo kala ah SALAAN iyo MAS. Godka laadhuda laguuro ee dadku isku baacsanayaan ee marna xawaaraha jaraya marna lagusoo qaadayo adigoo meel fog gaadhay waxay ka turjumayaan labada awoodod ee nafta biniadamku latacaasho ee kalajiita caadiyan waa XUMAANTA iyo WANAAGA.

Inakoo mawduucan ku kooban SALAANKA, markaad raacdid waxaad usii dhawaanay dhinaca guusha iyo dhamaad ciyaarta waxaana kugujira raynrayn iyo farxad oo waxaad udhawaatay godka ugu danbeeya ee aad ku xeroonay. Arinkaa hadii aynu iska taagno dhinaca turjumida “SYMBOLISM” iyo nuxurka kujira wuxuu noqonaya socdaalka aakhiro iyo jaranjarooyinka kaladuwna ee loomaro. Salaanku dalacsiiye oo meel sare ku gaynaya ama aad ku fuulay. Turjumida MAS ku waa xasad iyo xumaan. Ibliis mas ayuu iskasoo dhigay markuu nabi Adam jannada kasoo saaray ayey aminsanyihiin wuxuuna utaagan yahay inuu samada kaa soo turo lugtana ku intaad dunida joogtid.

Laadhuda MAS ku wuxuu kasareeya SALAANKA bartaasuna jidgooyo ugu jiraa sidii uu kugusoo celinlaa bartii aad kasoo dhaqaaday ciyaarta bilowgeeda “AMAAN”. Guud ahaan maska waa laga cawdbilaystaa oo laguma xisaabtamo inuu darajo kusiiyo inuu wax kuyeelo mooye. Masku, waxay inoogu matalayaan Ibliis oo isagu qaabilsan inuu ku lugooyo hada ogow shaxda laadhuduba waa isla cilmigiisi isagii. Xataa godka ugu danbeeya ee aad ku xeroonay ciyaarta waxaa ku sawiran Isku talaab foorarta oo Ibliiska loo nisebeeyo.

Dhinaca xuruufta hadii aynu isdultaagno, Laadhuda waxaa ku xardhan xuruuf marka sida caadiga loo tirinayo “numerical system” micne samaynaya lakiinse ku fadhiya cilmi kale. Waxaa ugu hooseya  YEEG ( 1) waxaana ugu sareeya SHIISH ( 6). Dhibcaha wadasocda ee madmadow cilmi baa jira waxaana loo akhriya sida xurufta alfabeetigada oo kale micne gaar ah ayey samaynayan.

Hadii aynu is hogatusaalayno siyaabooyinka kaladuwan ee loo isticmaalo astaamaha iyo calaamadaha dunida taarikh hore iyo wakhti casriganba waa in lagukala garto xoolaha ama shirkadaha “LOGO”.

 Taarikhda waxaynu ku haynaa in isticmaalka dhibcaha ay adeegsan jireen diimaaha iyo kutubta markaa la isticmaali jiray.

Sida aynu ku hayno diimaha saxda ah xuruufta waa lakala leeyahay; tusaale lambarada aan tiradoodu isleekayn waxaa loonisbeeya oo isticmaala diimaha saxda ah ee samaawiga ah. Tusaale, diinta Islaamka waxaynu ku haynaa inaynu isticmaalo oo la dhiirigeliyo lambarada tirada aan isleekayn sida 1, 3, 5 oo Ilaahay jecelyahay, xikmada kujirtana ku dheeraan mayno. Halka tirada isleeg loo nisbeeyo inay qaatan afkaarta kasoo horjeeda cilmi samaawiga ee dagaalka kulajira intabdan aaminsan inaan akhiro jirin ee dunida lagu waarayo. Sidaynu hore ugusoo tilmaamnay in labo jiho ama labadoo lakala qaaday sida xumaanta iyo wanaag ayaa lambaraduna lamid yihiin. Cilmigan aynu arinkiisa hayno tirada isleeg waxaa la gudoonsiyey madaxa bidixlayaasha “Ibliis”. Shaydaan caabudka waxay aminsanyihiin lambarka khaaska u ah ee Ibliis yahay “6” oo tirado isleeg ah.

Hadii aynu soo qaadano siday isuraacayaan dhicaha laadhuuda iyo lambarada laguuro waxaa ugu liita YEEG oo hal dhibic ah (1). Yeega waxaa looyaqaan inuu yahay RUCDI oo aanu geedka ku gaadhsinayn intabdan lama jecla in YEEG ladhaco hadii aanad RIDO ku hayn markaan waxbaad tishay. Halka SHIISHKA oo lamar isleeg ah LIX (6) dadku jecelyihiin inay helaan DHACAAN sababtoo ah waxaad kaga qayb galay ciyaarta waad kusoo gelay. Cilmiga “SYMBOLISM” wuxuu ku turjumaya inuu SHIISKU badbaadiye yahay barako badani kujirto. Hadii aad heshid SHIISH ama SHEESH dhacdid waxaad helay xawaare tirada laguu raguurayo kuu laba jibaara waxaanad helay farsad kale oo aad ku ceshatid. Yeega maxaa looga dhigiwaayey lamabarka lagu soo galo oo loo dhiirigalin waayey ee lagu nisbaynayaa inuu bala barako yahay.

Waxaad dareemay in qaabka ciyaarta loo dhigay dhiiri galinay lambarka LIXDA oo nafsiyan lagu jeclaysiinayo halkaa YEEGA aad dhibsanaysid oo aad marmarka qaarkood aad habaartidba. Cilmiga SYMBOLISM markaad eegtid waxaad fahmay in arinka kujira ciyaarta laadhhuda aanay ahayn uun madadaalo lakinse sirokale ku hoosjiraan. Arinka meesha kujira ee laadhuda lagu matalaayo waxaad fahmay inuu qotodheeryahay oo nolosha IFKA iyo AKHIRO lagu saleeyey laadhuda iyo saxarada lagu dul ciyaarayo. IBLIS oo sita lambar isleeg “SHEESH” waxaa lagu matalayo inuu inabaadinayo oo uu inagu wado samada laynaga soo tuuray. Lambarkan lixda ee lagusoo gelayo iyo ku celceliska waa xusid iyo inuu saxsanyahay qaabkan uu biniadamka ugu celindoono jannada iyo in Ilaahay lalamidoobo. YEEGA ama lamabarka tirada dhiman waa samada ayuu matalaya waa in lagu mudoharaada oo nusqaan loo sameeya. Mawduucan meelokale ayuu kusoo arooray oo laga dheehan karaa.

About the author

Abdirahman Simodi

View all posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.