COVIG-19

CADCEEDA OO LAGA RAJOQABO INAY DISHO COVIG-19

Natiijooyin hordhac ah oo kasoo baxaya Shaybaadho dawladeed oo tijaabo lagu sameeyay ayaa muujinaya in aan cudurka Coronavirus aanu ku badbaadi Karin ama ku noolan karin in mudo ah meel uu heer kul- keedu sareeyo oo huur ah waxaana si dhakhso ah u burburin Kara faladhaha cadceeda. Cadaymaha laga helayo tijaabooyin aad loo xadiday ogaanshahooda ayaan wali cadayn ama aan lala wadaagin warbaahinta madaxa banaan.

Si kooban natiijooyinka hordhaca ah ee loogu talo galay in ilo kooban lala wadaago ayay nuqul ka heshay shabakada Yahoo news taas oo sheegaysa in rajo laga qabo xiliga xagaaga ama kulaylaha in aan cudurku dhib wayn keenayn ama aanu si dhib yar ugu dhex fidi Karin bulshada dhexdeeda xiliyada kulaylaha ama lagu jiro xagaaga, laakin waxay saynis yahanadu ka digeen in taas macneheedu ahayn in xanuunka Covid-19  uu gebi ahaanba suulayo ama uu tirtirmayo inta lagu jiro xiliyada kulaylaha.

Si kastaba ha ahaatee, la taliyayaasha guriga cad ee maraykan ee dhinaca sayniska ayaa la baxaa dagaya sidii looga jawaabi lahaa xanuunkan saf-mareenka ah ee dunida badankeeda aafeeyay.

Cilmi baadhis kale ayaa iyaduna sheegaysa in ay yar tahay khatarta uu cudurku ku fidi Karo marka uu saaran yahay oogo debedeed ama meel ay si toos ah ay faladhaha qoraxdu ugu dhacayaan, ama sidoo kale meel uu heer kulkeedu aad u sareeyo oo huur, kuwaas oo daliishanaysa cilmi baadhistii lagu ogaaday in qoraxdu si deg deg ah ay u dili karto ama u burburin karto gebi ahaanba fayruska cudurka keena.

Inkastoo cilmi baadhistaasi ay war fiican ka sheegayso sida aanu cudurku ugu dhex fidi Karin oogooyinka aan dabool nayn ee debeda ah, hadana waaxda arimaha nabad galyada ee maraykanka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo ah ” DHS” ayaa si adag uga digtay in meelaha dusha ka xidhan ama uu heer kulkoodu hoosayo sida diyaaradaha gudohooda ay u baahan tahay taxadir dheerad ah si looga feejignaado in aanu cudurku si fudud ku fidin.

Yahoo news oo wax ka wadiisay waaxda arimaha amaanka ee maraykan “DHS” aaya aad uga gaabsatay in ay wax jawaab ah ka bixiyaan sualaha la xidhiidha cilmi baadhista la sameeyay, waxayna si adag uga digeen in  laga digtoonaado cilmi baadhisaha aan sida rasmiga ah loo daabicin.

” Waaxdu waxay ku hawlan tahay sidii loola dagaalami lahaa cudurka aduunka halakeeyay oo libin waarta looga gaadhi lahaa. Badbaadada iyo caafimaadka dadka reer maraykan waa mudnaantayada koowaad. Siyaasad ahaan waaxdu marnaba Kama jawaabi karto warbixino si hoos ah ku baxay oo aan si rasmi ah loo daabicin” waxaa sidaa yidhi waaxda arimaha amaanka ee maraykan.

Natiijooyinka waxaa ku jira warbixino kooban oo ay leedahay laanta sayniska iyo tiknoolojiyada ee hoos tagta waaxda arimaha amaanka ee maraykan “DHS” taas oo qeexday tijaabooyinkii ay samaysay “National Biodefense analysis and countermeasures center” oo ah lab la sameeyay kadib weerarkii argagixiso ee 9/11 si ay uga jawaban hanjabadaha ama weerarada ku qotoma sayniska ama cilmiga biology-ga ee kaga imanaya debada.

Inkastoo waaxdu ay ku qeexday natiijooyinkan kuwo hordhac ah, waxa laga yaaba in ay ugu danbayn sameeyaan talooyin qaas ah oo ku saabsan cilmi baadhistan.”Deegaanada banaanka ah way ka khatar yar yihiin maalintii inuu ku fido cudurku” warbixinta ayaa sidaas tidhi.

TIJAABOOYINKII LA SAMEEYEY

Iftiinka qoraxda oo macmal ah ayaa si dhakhsa ah u dilay fayraskii ku jiray ee lagu kaydinayay quraarada.Warbixintan kooban waxay sheegaysaa in daaweyntan la’aanteed wax virus ah oo dhintay aan la arag muddo 60 daaqiiqo gudahood.

 Tijaaboyinkan waxa lagu sameeyay walxo fayras ah oo ku dhex jiray candhuufta. Waxa lagu fuliyayna gudaha dhisme, deegaan ahaan loogu talo galay inuu isku eekaysiiyo xaaladaha cimilada ee kala duwan. Inkasto oo aan hore loo shaacin tijaaboyinkan, Harvey Finebrag, madaxa guddida xanuunanada gudba iyo khatarta caafimad ee qarniga 21aad, aya si balaadhan ugu sharraxay waraaq sidi loo sameeyay tijaaboyinkan, waraaqdaas oo bishii April 7deedi loo gudbiyay Aqalka Cad ee maraykanka.

Warqadaas, oo ku socotay lataliyaha sayniska ee madaxwayne Trump, Kelvin Droegemeier,Fineberg waxa uu sheegay in laabka DHS aad ugu diyaarsan yahay tijaabooyinki ay qorsheeyeen, baaxada iyo muhiimadooduna ay xusid mudan yihiin. Gaar ahaan, waxay qorsheeyen inay abuuraan dheecaamada jidhka oo caabuq leh oo ay ku jirto candhuufta iyo dheecaamada laga so daayo hawo mareenka hoostiisa.

Xafiiska Droegemeier kama jawaabin codsigii faalo ka bixinta in ay heleen natiijoyinkii ugu danbeeyay ee laabka DHS. Akaademiyadda qaranka sidoo kale wax faallo ah kamaysan bixin.

Inta ay natiijada laabku cusubtahay, khubaradu dhawr usbuuc way sii saadaliyeen, iyagoo ka duulaya xogta fiditaanka xanuunka, in cimillada diirran ee qoyan aanu fayrasku aad u gudbi karin. Falanqayn hore oo ay khubaradu sameeyen ayaa sheegtay in fayrasku uu si xawli yar u faafo wadamada cimiladoodu diirran tahay.

“Ma odhan karno in heerkulka sare, fayrasku si dhakhso ah u tagayo wax kastaana ay hagaagayaan, dadkuna dibadda u bixi karaan”. Qasim Bukhari, khabiir ka tirsan MIT ahna qoraaga falaqaynta ayaa sida ku sheegay waraysi uu siiyay Yahoo News.”Maya, ma odhanayno. Waxa aanu arkayna in heerkulka sare iyo qoyaanka hawadu ay isla taxaluqaan, laakiin dad badan ayaa sida so xaqiiqsanaya hadda” ayuu ku daray.

Bukhari waxa uu yidhi illaa markii ay isaga iyo asxaabtiisu daabaceen falanqayntaa, in tirada fiditaanka coronvirus-ku ay sii taageeraysay aragtidooda. “Waxay Hindiya samaynaysaa baadhitaanno badan. Sidoo kale marka aad eegtid Baakistan waa la mid. Waxa jira in ka badan 5,000 oo qof oo laga helay xanuunka baakistaan hadda” ayuu yidhi ” laakiin koritaanka uma dhakhso badna sida wadamada kale”.

Waxa laga werwersanaa saamaynta qoraxda iyo kulaylku ku yeelaan karaan caaquqa, sababtoo ah waxaa si khaldan loo turjumay saamaynta ay ku yeelan karto cimilada wanaagsani faafitaanka xanuunka.

Waxa jiray siyaasiyiin ku dooday in debeda loobaxo siiba xeebaha iyagoo ku doodaya in iftiinka ka cadceedu uu dilayo virus ka. Sikastaba ha ahaatee dhibaatadu waxa tahay dadku weli way gudbin karaan xanuunka xataa cimilda diiran.

Khabiir ku takhasusay cudurada faafa oo lagu magacaabo Anthony Fauci kaasi oo u hadlayey aqalka cad ayaa soo saaray bayaan uu kaga hadlayey xanuunka COVID-19 , isagoo sheegay inay u dhowdahay inuu hoos u dhaco xanuunku inta lagu jro bilaha xagaaga.

War bixinahan kasoo baxay khubarada caafimaadka siiba cudurda faafa ayaa dhamaantood lagu sheegay in marka la gaadho xiliga xagaaga rajo weyn laga qabo inuu yaraado xanuunku iyadoo u sababaynaya saamaynta ay ku yeelan karaan falaadhaha cadeeda ee Ultraviolet ku , kuwaasi oo burburiya DNA da viruska. 

About the author

Abdirahman Simodi

View all posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.