Reer galbeed & Nuur (Age of enlighment)
Reer galbeed & Nuur (Age of enlighment)

Tarikhda Maysoonida Qaybta 7aad

Reer galbeed & Nuur (Age of enlighment)

Tarikhda wadamada galbeedka ee saamaynta leh sadex ayaa lookala qaada. Wakhtigii mugdiga (Dark Ages), wakhtigii dhexe (Middle Ages) iyo wakhtiga casriga (Modern Ages). Tarikhda dhacday wakhtigii mugdiga intabadan lamasoo qaato sababtuna waxay tahay inaan wax badan u qabsoomin oo ay latacaalayeen nolosha hoose wakhtiga wadamada galbeedku. Xadaarada reer galbeed ku faanan waxay bilaabmantay qarnigii 300 dhalashda ciise dabadii, wakhtigii la jabiyey imbiriyadii roomanka (Roman Empire) ee qabaa’il isugujira jarmal, anglo-saxon iyo skandaneyfiyan soo weeraren taliska imbiriyadii roomka. Qabaailadan werarka soo qaaday waxay ayaa yeen reer miyi aan xadaarad hore soo arag oo nool adag kunoola. Lakinse waxay layimaaden awood cidaan iyo tababar anay qabin ciidamada imbiriyadu. Tababarka iyo ku dhufoo ka dhaqaa ayaa usaamaxday inay sifudud ulawareegan dhulkii imbriyadu katalinaysay.

Ciidan maleeshiyadka soo weeraray imbiriyada waxaa hogaaminayey “Fredrick The great” oo kasoo jeeda jarmalka.Ileyn dunida lakala xadaarisan, markii la arkay inay dagaalki lagukala calafqatay oo nimanka wadamada barafka leh ka yimi jabiyeen cidamadii imbiriyadii ayaa lasoo jeediyey in heshii lag gaadho waxaana laysugu yimi Nicea 350 AD. waxaa lagu heshiiyey in talada loo dhiibo reer miyigan xayraanka ah ee waqooyiga yurub ka yimi siyaasadana loo daba fadhisto. Dhinaca ciidan meleeshiyadka waxaa la ogolaysiiyey in qaatan xadaarada imbiriyada roomenka iyo nadaamka dawladeed ee ay dunida kusoo maamulayeen. Wax yaabaha ugu mihiimsan ee shirkaa kasoo baxay waxaa ugu weyna in awoodi kiristanka ee ay hogaaminaysay imbiriyada roomenka (Byzantine Empire) laba loo qaybshay oo bari iyo galbeed lookala qaado. Qaybta galbeedka xukumidoonta tanaasul badan baa lagu sameeyey oo waa in lagawada dhexmuuqdo meleeshiyad iyo imbiriyada laga guulaystay.

Waxaa lays waa fajiyey oo laysku daray oo kitaab loo wadasameeyey kiristankii iyo khuraafadkii ay wateen reer miyiga duulanka ahaa oo iyagu aminsanaa ilaahyo badan sida Oden, Friyya, Thor oo sadex ilaah ah marna ilaah kaliya noqda. Nabi Ciise oo kiristanka nabi uun u ah baa layidh waa in sadex laga dhigaa, waxanay ugu yeedhen TIRINITY. Qaybtii soo hadhay ee imbriyada diinta kiristanka haysatay halkoodi hore ayey kasii wateen waxayna sii xukumayeen wadama xiga bariga suuriya, Turkiga iyo wadama bariga dhexe.Kulankaa ka dhacay magaalda Nicaea tarikhdu markay ahayd 350 AD (ciise dabadii) ee laysugu tanaasulay waxaa lagaga dhawaaqay garab cusub waxaa asaasmay garabka kiristanka katooliga oo magaalo madax looga dhigay Rome iyo The Vatican. Arimaha muhiimka inoo ah ee aynu bayaaminayno waxaa kow ka ah nimankan balaa kitaabka ah ee khuraafadka aminsan ee awood aan la mahadin lana fahmikarin wado maxay tahay? waxaynu haynaa dulaanka lasoo qaaday uun ku eekayn in dhul laka qabsado lakinse inuu ahaa duulan qotodheer Ilaahay iyo diimihisa lagu soo qaaday.

Waxaynu soo sheegnay inay diinti kiristanka ee ehlulkitaabka ahayd (Byzintine Empire) lakala jaray oo garab kale oo ilaahyo badan laga aminsanyahay taladii la wareegay. Waxaynu toos isu barbardhigi karnaa wakgtii ay iska horyimaaden Imbiriyada Byzintineku iyo khuraafad layaashi dabaka caabudi jiray barshiyanka.Waxaynu haynaa oo ina baraarujinaya in maalmihii khaaska u ahaa kiristanka sunniga sida dhalashada Nabi Ciise iyo maalmaha kale ee muhiimka ahba loo dulsaaray maalmo ay xusaan  reer miyiga waqooyiga yurub oo ilaahay yadooda iyo khuraafadkii aabayaashod la cusboonaysiiyey.Waxaynu tusaale kusoo qadankarnaa tarikhda kirismiska (chrismas Day) oo ku beegan 25 december dadka loogu sheega in loo dabaal degayo dhalashadii nabi ciise lakinse ciise iyo cid lasocotay midna muu dhalan maalinta ku beegan tarikhda aynu kor ku xusnay lakinse inay tahay maalinta ay qoroxdu ugu fog tahay dunida siiba wadamada sare oo qabo badani jiro loona baahanyahay in laxuso qoraxada sidii ay dib ugusoo noqon lahayd dooguna usoo bixi lahaa. Waxay maalintasu muhiim utahay dadka kunoo wadamada waqooyiga yurub ee barafku hadheeyey oo dibada isugusoo baxa.Si looqanciyo labada qolo ee meesha isku haystay ayaa dhalashadii ciise iyo tarikhdisa dusha laga saaray maalinta qorax-doonka loona eekaysiyey in nabi ciise loo dabaal degayo.

Sidaa sileeg bilihi iyo maalmihii imbiriyadu lahayd ee gregorinka ayaa iyana sidaa sileeg la dhalangediyey waxaana dhamaantod lagawada dhigay magac ilaah yar oo lacaabudo wakhti gaara, sanab iyo maalin jinn iyo qorax looyedho.Wakhtigaa iyo tarikhda dhacday “The Middle Age” mufakarayaasha kasoo jeeda ee lajaanqaday isbadalka ku yimi wadamada galbeedka xiga iyo nimanka reer miyiga ahi wixii hore ee ay aminsanaayen waxay ugu magac dareen wakhtigii dibucurashada iyo nuurka (Age of Renaissance & Enlightenment).  Isla wakhtigaa ayaa loo nisbeeya in ninka maanta jooga iyo aqoonta casriga ah ee ay ku ladhan tahay horumarka dunida ka dilaacay. Wakhtigaa ku beegan 400 AD ee nuurku soo gadhay yurub ayuunba isbadalka lahaya, wuxuuna saameyey isbadalku horumarka beeraha oo halkii dameer ximaarka dhulka lagu qodo lagu badalay cagaf cagaf (caterpillar), cilmigii Alchmey ayaa noqday chemistry, warshado loo shaqo tago ayaa yurub ka bilaabmay. Cilmigii maadiga ahaa ayaa korusoo kacay saynis iyo engineering ayaa dunida waji cusub uyeelay. Diinti iyo siyaasadii ayaa lakala saaray. Hal abuurka kasoo baxaya maskax cilmaaniya iyo aqoonta ku salaysan garasha ayaa la dhiiri, bundhig waa looga dhigay wixii aynu cadaynkarno ee lataaban karo aynu wadaynaa. Diimihii iyo kutubtii waxaa lagasoo qadaay dibudhac biniadamkii waxay ku sheegen inuu xayawaanka kayimi hadii xayawaanka laga yimaadona naf/ruux malihi.

Hadii aan ruux/naf jirina akhiro majirto oo dhulka ayaa ku cunaya.Aqoonyanka udooda isbadalkaa ka dhacay Yurub iyo horumarka la socday nuurka waxaa kamid ah filosafarkii Descartee, Bertrand Rusell, saynisyankii Chales Darwin iyo aqoonyankii maanka Sigmund Freud iyo qaarkalo badan. Dhinacakale, iyana waxaa jira aqoonyahan ku xeeldhere wakhtigan horumarku yimi iyo dibucurashada/nuurka yurub. Aqoonyahanka toosha ladaba socda ee fashiliya dibucurashada iyo nuur yurub kasoo bilaabmay ee reer miyigu hogaaminayaan markaliyana yurub ka dhextoosay ee xadaarad aan dunida hore u soomarin jeebka kalsoo baxay, diimaha Ilaahay lagu xusto dagaalka kulajira calaamad sual weyn ayey sareen.

Ragaa ubabacdhigay xadaarada yurub iyo gal daloolada ay leedahay ee bayaamiya waxaa kamid ah Prof Al-Attas, Rene Guenon iyo sheikh Imran Hosein.Prof Al-Attas buugisa “Renaissance & Enlightenment” wuxuu ku cadaynayaa in wakhtigaa balaayokale ka dhextoostay yurub. Wuxuu Prof Al-Attas inoo sheegaya oo daaha ka feydaya inaan meesha nuur lahelay jirin lakinse awood kale meesha dabada ka waday mid colaad uhaysa diinta Islaamka. Waxaa kaloo isna wakhtiga “Enlightment Age” buugaag badan ka qoray Rene Guenon oo ah mufakarka ugu aqoonta badan 100 sano ee inasoo dhaafay.  Rene Guenon toos buu ugu badheedhay aqoon ahaan. Nuurka wuxuu ku sheegaya ruux casriya (modern spirit/Dajjal) oo balaysan ayaa idinka dhextoostay waxayna idinku wadaa mugdi aydaan mahadin. Wuxuu ku dooday horumar lagaadhay inuu yahay dhalanteed oo dildilaac badani kujiro heer uu gaadhidono in yurub gabigeeduba meesha kabaxdo. Filasooferka weyn ee qarniga “Rene Guenon” wuxuu isbarbardhig ku samaynayaa xadaaradihii lasoo maray dunida sida babalooyinkii, fircooniyintii (soomalidii) ilaa Islaamka iyo nadaamkan cusub ee aaminay inaan xadaarad lamid ah ama ka dhubuc saraysa ta yurub dunidu arkidoonin. Rene Guenon wuxuu aqoonyankasta oo udooda xadaarada yurub ku dumiyaa iilka. Wuxuu tilmaama in mushkilada dunida ka taagan ee biniadamka haysta nuurkan aad sheegaysan sabab u yahay. Rene Guenon oo doodisa aad loo tixgaliyo waxay isugu biyo shubanay inaan biniadam horumar gaadhikarin Islaamka la’aanti ifka dushiisa iyo mid akhiroba.

About the author

Abdirahman Simodi

View all posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.