Kacdonkii Fransiiska (French Revolution)
Kacdonkii Fransiiska (French Revolution)

Tariikhda Maysooniyada Qaybta 4aad

Kacdonkii Fransiiska (French Revolution)

Tariikhda maysooniyada waxaynu kasoo bilownay dhulka barakaysan iyo Jerusalem oo astaan unoqotay ururankan diimaha badan leh waana halka ugu danbaysa ee tarikhda maysooniyadu inagu celin doonto. Hafadkooda koobad ee waxkasta laga hormariyo waa qabsashada magaalada Jerusalem. Maysooniyada oo magacii hore badashay sidii hore umashaqeeyan waxay isubdaleen ururo qalin iyo afkaar ku dagaalamaya oo falsafado iyo hab casri ah arimahooda u wata. Bugaagta lagala yimi wadamada bariga dhexe iyo cilmiga shaydaanka ay iska dhaxlayeen wakhtiga dheer waxay keentay inay dabaqado dhexdooda ka samaysmaan (Nursery, Masonry iyo Mesteries) oo kala sareeya waxaana ugu magac dheer oo dabaqada koobad ah “Misteries” oo isna usiikala baxa laba qaybood oo kala ah “Lesser” qaybta hoose oo loogu talogalay cago baruurka (Prince & baadari, raysalwasaare iwm) iyo qaybta sare “Greater”(Magus/Iblis, sixirolayaasha & boqorada, Pontiff).

Labada laamood ee ugu caansan ee dunida xafiisyada ku leh “Scotish Rite” iyo “York Rite” oo intabadan dadka ka warhayaan. Urruka hadafka qarsoon leh ee maysooniyada waa loodhanyahay bulshada dabaqad aan kujirin way yartahay waana lagawda dhexmuuqada waxaana ugu badan siyaasiyinta iyo gacansata. Ururkan maysooniyadu waxay kaloo urursadan dadka aqoonta leh si sawir wacan ugu soobaxo oo laydidhaahdo maysooniyada dad aqoonleh ayaa kujira arinkooda waa laqaadan karaa. Intabadan waxay dadka kusoo jiitan shaqo wacan oo mustaqbal leh, mansabyo kaladuwan mid siyaasiya iyo hadii urur samafal ah ba way bixiyaan. Hadii lootaag waayo shikhsiga ladoonayo waa laqataara oo kutubtii nabi Suleiman ka uruurshay ayaa laguu furaya dabin iyo majare aanad si fudud uga bixikarin ayaa lagu sudhayaa. Ilaa 1717 AD Yurubta badankeeda dhaqdhaqaaq wacan bay ka wadeen oo xafiisyo iyo xog urursi waa lagu jirey waxaana loosocday Fransiiska.

Badayaaqadii 1700 AD ayey bilaaben inay ka dhextoosan Fransiiska, waxayna ka bilaaben inay markahore iska horkeenan shicibka iyo boqortooyada fransiiska oo ahaa Boqork Louis XVI oo kasoo jeeday Boqor Philip. Taladii boqorka iyo dalkiiba waxay kusoo kooben dibusocod iyo horumar la’aan. Wax bilaaben inay ka faidaysanaya xaalad dhaqaale xumo oo faransiiska ka jirtay wakhtigaa oo noloshuna adkayd. Xertan maysooniyadu waxay intabadan eektan meela jilicsan ee ay kasoo dhexgalikaraan bulshada iyo afkaarada wadanka ka jira meela muranka laga sameynkaro ee lagu kaladuwan yahay, dildilaac udhaxeeya shicibka iyo xukunka ayeey abaaran oo faa’idaysteen. Maysooniyadu marka koobad diirada waxay ku hayaan Jerusalem oo u calaamadsan lakinse jidkaa wixii lugaha iyo cidiyaha lagusii qadankarayo waysii qafaashan hadii aad mar isqabateena waxaa suurtogal ah inaanay kaa hadin oo tarikhda cid alaale cid ay isqabteen oo cafiyeen majirto. Boqorkii Fransiska Philip oo xukunkii Yurubta inteeda badan lagasaaray maysoonida lahaa oo Salaxadin Ayuubi kaga daran ayey xukunsi uu ka tagay jaanis ay ku burburiyan uheleen. Dabar go’ayntii boqorkii Fransiiska Philipe la dabacsanaa maysooniyada ee ka dhicisowday ayaa iminka lagu waa Philip iyo intii lasocotayba. Kacdoon shicib ayey awaabulen “The French Revolution” saxaafadi oo isla wakhtigaaba ay gacanta ku hayeen ayey isticmaleen borobagando ladoonayo in lagurido boqortooyada ayaa samadaa lamariyey oo fransiiska oo dhan laga dareemay.

Kalmadaha loo dhiibay dadkii shicibka ahaa ee kacdoonka waday waxa kamid ahaa Liberty (sinaan), democracy (demuqraadinimo), Progress (Horumar) iyo waxyaabo kale oo lamid ah oo lagu wiiqayo boqortooyada. Waxay goobo laga maamulo kacdoonka ka samaysteen xaafada aha Paris, waxayna suuqa kusoo dayeen lacag qayral xadah oo xataa saraakishi cidanka looqaybshay lana iibsaday. Waxaa dadkii shicibka ahaa oo isugu jiray laamaha bulshada oo ay kamid yihiin aqoonyahanki, saraakil iyo madaxkaleba dhagaha uga buuxiyeen in fransiska nadaam cusub loo sameeyo oo ka duwan boqortooyada. Dhalinyaradii hormoodka ka’ahaa kacdoonka ee afkaarta maysooniyada ku hawlgalay waxaa kamid ahaa Napoleon Bonaparte oo maysooniyadu wadatay. 1789kii ayaa lagu guuleystay in boqortooyada la rido nadaam cusubna wadanka loosameeyo. Boqor Louis XVI oo kasoo jeeda dirkii boqor Philip meel fagaara ah ayaa qoorta lagaga jaray iyo ehelkiiba.

Aar goodsigii laladamacsanaa wadaada katooliga iyo madax dhaqameedka wuu bilaabmay fransiiska ayaana laga bilaabay. Waxay bilaaben inay isudiyaariyaan argosidii labaad ee kiniisada.Hakad baa kuyimid horusocdkii maysooniyada oo ileyn cid kajiidha lama waaye waxaa markaliya iskaga dhawaaqay inuu yahay boqor Napoleon Bonaparte. Cidamadii kacdoonka waday ee Napoleon hogaaminayey ayuun baa markaliya ku dhawaaqay in wadanka lagu celinayo boqorka “Empror Napoleon”. Napoleon qorshekale ayaa baa uyaalay oo diiradisu way dhaafsiisnayd inuu “Empror” kaliya unoqdo fransiiska lakinse Yurub oo dhan inuu qabsado ayaa meel utaalay. Dagaal iyo weeraro balaadhn ayuu bilaabay oo wadamo badan buuba qabsaday. Waxaynu xusayna in maysooniyada qorsha dhaw iyo mid fogba anay ugu jirin Napoleon inuu boqor noqdo iyo inuu dagaal ka dhaco Yurub. Napoleon meel an loobahnayn buu ka fudkudiyay. Ficilkaas uu Napoleon Bonaparte kukacay ee aan maysooniyadu la ogayn jeelbuu ku mutaystay. Waxaan lootabaaxay jasiirada “island of Corsica”. 1815 ayuu Napoleon Bonaparte jeelki kasoo baxsaday wuxuuna abaabushay cidaan xoogleh. Waxaa ka dhaadhici wayday in ninkii laandhera ahaa eedyar dhegta lasoo qabto oo jeel lagu riday. Balaayo ayaa kala qabsatay maysooniyadii iyo Napoleon. Aargudasho oo wakhtigaa aynu ka hadlayno iska caddiba ayuu bilaabay Napoleon. Britain iyo meeshi ay kaga yimaaden ayuu weerar waana laysla basbeelay oo dad iyo duunyoba digada ayey noqdeen, maysooniyadi iyo wixii lasocdayba qireqire ayuu galiyey.

Markasta oo xaaladu ku adkaato maysooniyada waxay u cararaan qoyska caanka ah ee dunida kusoo horkaajayey wakhti dheer “Rothchild” kooda markaa jooga ee talada reerka haya; waxayna waydiistan taakulo kama danbaysa oo intabadan lacag ah iyo in xidhiidhada ay kuleeyihin Yurub (dawlada markaa jirta) gargaar degdeg ah u waydiistan. Qoyska Rothcild oo aan talda seegin marba cidaa talinaysa, waxay ku yidhaahden hadii aanu wax idinlaqbano waa inad yahuuda yurub kunoo darajada cadaanka lagadhsiiyo oo kor loosoqada, hadii kale lacagta waxaanu kula heshiinayaan Napoleon Bonaparte. Way aqbaleen heshiiskii Nathan Rotchild Yahuudina halkaasay madaxa lasoo kacday oo noloshi cadaanka ku nooladen. 1815 ayaa ciidamo kasocday Britain, Russia iyo Dutch oo xuluufo ahaa wakhtigaa kasoo degeen goobti caanka noqotay ee la’odhanjiray Waterloo. Napoleon Bonaparte waxaa lagu jabiyey isla goobtaas “the war of waterloo”.

About the author

Abdirahman Simodi

View all posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.