Gacankuhaynta saxaafada
Gacankuhaynta saxaafada

Tariikhda Maysoniyada Qaybta 5aad

Gacankuhaynta saxaafada

Maysooniyadu dariiq bay haystaan aanay dhinacna ugu leexanayn oo ay haysteen 500 sano iyo wax ka badanba. Waxaa u qorshaysan inay mar uun gacanta kudhigaan dhulka barakeeysan iyo magaalada Jerusalem bartaana dunida ka xukumaan. Iminkaba dunida way xukumaane lakinse inay isla helaan Jerusalem iyo UN waa qorshe in layswaydiiyo ubaahan. Qorshoyaasha uyaal xertan ay madax martay qabsoshda Jerusalem, waxaa ka mid ah inay gacanta ku dhigaan geedi socodka dunida dhinackasta dhaqaalaha, warshadaha wax soosarka leh iyo maskaxda hal abuurka leh ba waa inay iyaga kamid noqdaan.

Hadii ay usuurtobi waydo inay dunida qabsadaan waa inay saamayn ku yeeshan oo fartii dhaqaaqdaba ka warhayaan. Geed dheer iyo mid gaabanba u fuulen inay handaraabtan siyaasada caalamka ka jirta. Waxay awooden inay soosaran madaxa dunida ka talisa (lacag kambayn, iskuulo ay leeyin oo lagasoo baxo, hanjabaad & handadaad iwm) waxayna ka bilaaben wadamada ugu cadcad yurub inay saamayn weyn ku yeeshan. Waxay kaloo istuseen inay gacantaba toos ugu dhigaan hayaadaha dunida saamaynta kuleh oo xertan maysooniyadu waa inaan waxbaba dhaafin oo ay dhinackasta inanaga yimaadan sida dhaqaalaha (WB, IMF), ciyaaraha aduunka (Olympics, Basket Tournament iwm), waxbarashada (curriculum), militariga, hayadaha sirdoonka, Cabudhinta Maanka (Mind control).

Waxay qorsheeyen inta gacantoodu aanay gaadhayn inay u adeegsadan saxaafada iyo wixii lahal maala.Saxaafada (TV & Media) waxa inagaga soobaxa arimo qorshaysan oo lagu talagalay in quluubta bulshada lagu xado siiba inta aan gaangadh noqon maanka iyo muuqalkaba. Waxay awooda saran caruurta oo wakhti horeba lagu bilaabo in loo sameeyo borograam (Filim kartuun) u gogol xaadha wadada ay raacidoonan mustaqbalka. Dadka waa weyn waxaa lagu mashquuliyey filim musasal ah oo aan dhamaan oo marbadan keenan in lagu daydo ama laqaato afkarta lasocota muuqalka. Aniga waxaa ugu jeclaha filimka “Super-Man” dhalinyaranimadii. Wuxuu ka hadlaa inanyar oo samada kasoo dhacay oo awoodo gaara leh. Markuu waynaado wuxuu dunida iyo biniadam ka kadifaaca ciidan samada kayimaada oo inaga awood badan oo doonaya inay gurtaan khayraadkeena. Super-Man inuu duulo oo samada sare ugu taga wixii joogaba. Lakinse, sidii aynu xertan maysoniyada cilmigeeda u fahamnay iyo nolol khiyaaliga ay dunida ku wareershen waxaa inoo soobaxday “Super-Man” aanuba ahayn Super-Man kaan doonayo.

Super-Man iyo aflaamta kusoo aroortay waa marka ugu horeysee inankan yar ee soo dhacay waa Lucifer (Satan) oo laga aminsan yahay inuu yahay malag soo dhacay. Cidan uu la dagaalamayo ee samada kasoo socota waxaa loolajeeda Ilaahay iyo ciidamadiisa. Ileyn ninkan aan waligayba aminsana inuu Super-Hero yahay waa Ibliis oo dirickale soo xidhay.Wararka dunida oo iyana udhisan qaab midaysan oo soodaya mawduuc dhinac uun lagasoo abaabulay ayaa ka dhex arkay. Dunida koowad waxay maray in saxaafad la’aan anay noolankarin oo macalin kooda ugu weyn yahay wixii kasoo baxa shaashda hanoqoto TV iyo aflaam lagu sameeyey Holywood. Social media oo iminka kashay halkii jaraaidka iyo TVyada ayaa iyana ah meelaha hadfka muuqada iyo kaan ladareemaynba lagasoo abaabulikaro. Isbadal dunida ka dhacay ee qarniga ee dhaqan iyo dagaalba waxaa loo wadamaray tilifishin, sinima, internet iyo Computer Games.

Aladahan aynu isticmaalayno ee casriga ah waxay saamayn toos ku leeyin hab nololeedka oo waata aad moodi dadkiiba hadii anay ku foororin aaladaha casriga ah inay wax ka maqanyihin. Ogow oo fororkan aad ku jeedi telefonka ama labtobka maskaxdaada waxaa ku furan tuumbo xambaarsan xogo kala duwan. Xogtan maskaxda daqiiqad daqiiqad ugu soo dhacay waxay samayn ku keenayn aragtidaada guud ee dabiiciga ah. Maalin iyo habeenba hadii TV lagasii daayo muuqal isku mid ah oo barwaaqo ah marka danbe bulshadu inay barwaaqo kujirto ayey aminay. Been lagugusoo celceliya marka danbe way kuu rumoobay.Ninmanka aminsan afkarta guracan ee maysooniyda waxay marka hore ku hawl galan oo adeegsadaan sixir maanka dadka lagula wareego dabadeedna lacag lagu samaynaayo. Lacag marka lahelo waxaa timaada in maskax kasta oo wax isbiday la gato lagana shaqaysiiyo loona qoondeyo inay diyaarshan qorshekasta oo bulshada maskaxda lagaaga gumaysto.

Wararka iyo waxaa aynu arkaynu badankoodu waxay xambaarsanyin xog “information” ujeedojin lagaleeyahay “Social Engenering” oo keena inuu isbedel ku yimaado fakarkaaga xorta ah iyo sidaad aduunka u wajahaysid lagula maamulo, wada noolanshaha bulshada, dareenka nafsadada, siyaasada aduunka kajirta waxaa laysku dayey in laguu suureyo oo aad shaadadooda uun wax kala aragtid.Maysooniyadu waxay gacanta kuhayaan wixii soo hosgala “Media oulet” (Holywood, TV news, Programs, Intertaiment, Cartoons iwm). Taasu waxay u fududaynaysaa inay sitoosa fakarkooda iyo sida aydoonayaan in loodhaqmo kuugu soogudbiyaan. Waxaad arkaysaa filin ama hees lagasoo daayay TVga oo dadkuba wada daawanayo oo laleeyahay waa casri, Lakinse markaad u fiirsatid dareemayso in lagu caayayo diimaha ama lagu weyneynayo shaydaanka. Bal waatase heesti iska casriga ahayd maxaa u keenay inay shaydaanka lagu xuso halka Ilaahayna hoos lagu dhigayo mataasan lagu shaqaysanayn.Waxaad arkaysa in si hoose ruxda loogu shubayo wax aqiidada Islaamka iyo biniadamkaba diiden lakinse lagu xadayo oo aan ladoonayn in laguula yimaado adigoo soo jedda, sababtoo ah wad diidi lahayd hadii halkaa lagaa soo maro oo shaydaan amaan iyo wax la mid ah laguula yimaado lakinse hadii aan sitartiiba kuugu dhiibo marka danbe toos baad u qaadanay oo waxaa lagaa dilay dareenki iyo qalbigii. Waxyaaba kale ee ingineergaraysan ee ay isticmaalan maysooniyadu iyagoo adeegsanaya saxaafada iyo inta lahalmaasha waxaa halbowle uh qas iyo xaalad abuur.

Tarikhda meelo badan ayeynu raadka aan isbadlin ee maysooniyada kusoo aragnay hawgu danbayso gacdoonki carabta “Arab Spring”. Waxay caan ku yihiin qorshe wadasocda oo isdabayaal waa QAS (political agitation) inla abuuro siloohelo QACDOON (reaction) bulsho oo xukumadu utaag weydo markaana XAL (solution) awalba u qorshshaysnaa kalasoo baxan khaanada. Qorshaha noocana intabdan waxay dusha usaaran wadanka ay siyaasadisa saluugsan yihiin ee la damcay in isbadal ama bedel lagu sameeyo (regime change).

Waxay sugayaan inta dhariga karku wada gaadhayo oo dadku la imanayo rabsho xoogan oo khalkhal galisa waddanka bay maaraynta lagu xaliyayo hoosta kalasoo baxaan oo odhanayaan sidan baanu u aragnaa inuu xalkiinu kujiro hadii aanu nahay interl. komuunitiga. Hadaad la arkiweydo inuu sidan ay sheegayaan in wax loo maareyo waxay goosanayaa calagtii lagu kabijiray dooroshada hadii aad wali soo taagan tahayna xoog ama xeelad ayaa xigta.Bal eeg tarikhda Saddam Xusein iyo sida laysu galay. Wixii kahoreeyey 1990 Saddam inankoodi buu ahaa ee ay iyagu xukunka udhiibten. Sadaam waxaa lagu wargeliyey inuu Iraan weeraro wixii ku baxay qorshaha xoraynta Iran waxaa bixindona carabta bilaa itaalka ah. Dagaalkii uu ku qaaday Iraan kumu guleysan khasaare bandanna wuu kalakulmay. Saddam wuxuu la qarnaqsaday carabtii oo Kuwait ugu horeyso. Wuxuu damcay sidii heshiisku dhigayey in qaybsado khasaaraha soogadhay iyo inlagala qaybqaato dibudhiska Ciraaq ileyn Carabta awgeed iyo nabadgalyada dunida ayuu Saddam dagaalka ugalay, waa sida looshegay eh.Wadamada carabtu kamay hoosqadin Saddam codsigii inay qaybtooda soo bixiyaan kharashka. Arinkii wuxuu gaadhay Henry Kissinger oo markaa ahaa abaandulaha koobad ee maysooniyadu ku leedahay wadamada bariga dhexe.

Henry Kissinger wuxuu Saddam sidadban ugu fasax inuu qabsado Kuwait oo yara xanuujiyo carabta. Shirqoolki ugu darnaa ayuu Saddam madaxa lagalay wuuna ku nafwaayey. 1991kii ayuu Saddam amar ku bixiyey in Kuwait lagalo wuxuuna ku guuleystay inuu si fudud ulawareego Kuwait. Maysooniyadu Saddam aad umay jeclayn awalba oo wuxuu ahaa ninka adag oo afkarta wadaniyada iyo sheeko carabnimada ku badan tahay, markuu doonana iskaba weeraro wadama jaarka siiba Isreal. Markii uu galay Kuwait waa tii saxaafadii dunidaba lagu soo jeed shay ee laga dhigay dadqal uun doonaya inuu wax laayo. Waxaa xigtay oo la goaamiyey in Kuwait lagasaaro Ciraaqna laga qabsado.Maysooniyadu wax yaabadka ugu axmaqasan ee ay biniadamka kulakacaan waxaa kamid ah inay si badheedh ah kor ugusoo qaadan danbiyada ka dhaca bulsho meel isugu timi dhexdeeda sida tuugnimada, boob lagulo kaco bangi, dhac farsamaysan, dil iyo qaabka mafiyadu ushaqayso intaba raadka maysooniyada waad ka helay. Siloo helo baycadii waxbadan ku suurtobi lahaayen waxay fududeeyaan oo suuqa kusoo daayan maandooriye waxaana korukaca danbiyada bulshadana baqdin baa ku dhacda oo keenta inay dhinacooda loo cararo. Xalkoodu sidii lagu yaqiinay inay ka faidaystaan baqdinta iyo werwerka ugu oo markaba nabadgalyada xoojiyaan iyo amniga (askarta, sirdoonka & booliska) oo kulagalay inay gacanbuuxda iyo baqdin dalka ku maamulan.

1990gii ayaa talibaantu Afganistan xoog ku qabsadeen waxay markiiba joojiyen oo gubeen beerihii lagaso go’an jiray hafyuunta. Boqolkiiiba sagaashan ayey hoos udhigeen maandoriyihii Opiumta oo lagasameeyo daroogada looyaqan “Heroin” suuqeduna yahay bilyan dollar “business”. Guud ahaan dunida iyo suuqa madow ee lagukala iibsado siweyn baa loo dareemay. Kaliya daroogadanu lacag uun lagama faaidayn ee hawlkale ayey haysay dad farabadan baa lagaga fadhiisiya inaanay wax iska waydiin dunida iyo marxalada laysla maraayo. Ninkii laga rabay inuu fekero oo arinkeeno sowtan inyar oo heroin ah uu bacsanayo ee uu naf iyo maalba duldhigay. Inlays fadhiisiyo waxay kamidyihiin kaartoyinka ay isticmaalan maysooniyadu.

Afghanistan waxaa soo galay mareekan iyo xulufadiisi waxayna bilaaben inay ka xoreeyan talibaanta isla dalkooda. Sidii dimoqradiyadu iyo dunida koowad usoogadhay Afganistan waxaynu ka xusid beerihii laga beerijiray hafyuunta ee talibaanu tidhi waa xaaran bartii hore lagusoo celiyey ganacsigii hafyuuntuna samadaa ku noqday oo boqolkiiba boqol suuqedi soonoqo.

About the author

Abdirahman Simodi

View all posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.