Taarikhda Maysooniyad Qaybta 2aad
Taarikhda Maysooniyad Qaybta 2aad

Taarikhda Maysooniyad Qaybta 2aad

Qoraalkanu wuxuu dabasocdaa qayb hore oo aynu kusoo qadanay tariikhda maysooniyada iyo siday ku bilaabmeen. Qaybtan labaad waxaynu ku soo qadanaynaa qabsashdii koobad ee maysooniyadu ku qabsadeen magalada barakaysan ee Jerusalem iyo taarikhda kusoo aroortay. Taarikha dhulka barakaysan iyo magaalda Jerusalem dhacdooyinka laga hayo iyo taarikhda ku duuganiba way badan yihiin oo dhulka looyaqan Ardul-Shaam (Falastine, Jordan, Suuriya) waa dhul kuyaal meel stratejiya oo walaalaysa qaarada dunida sida Afrika, Eeshiya iyo Yurub.

Waa dhul cimilada kajirta soo jiitay shikhsi, qabiil iyo dawlado waa weyn ilaa wakhtigii Nabi Nuux. Waa degaan lagu xusay kutubta Alle “Monothesim” oo anbiyadii Ilaahay kasoojeden marka colaadi jirtona ku badbaadijiren, waa dhul Ilaahay ilaashado oo aan cidna looga baqayn. Waxaa badhtahamaha dunida waxaan Ardul-Shaam badhtamaha ugu jirta magaalada barakaysan ee Jerusalem. waxaynu isku dayeyna inaynu meelo cayiman guud marno. Ka hor culmaaniyada wadama Yurub waxaa xukumijiray oo talada gacanta ku hayey nadaam ku salaysan boqortooyo iyo axkaamta kiniisada oo ahayd macjarka talada kama danbaysta ah loo daba fadhisto. Waxaa dawa shaqayn dhawlahaa baadariga kiniisada oo baadida katoliga iyo saldanada markaa katalinaysa wadanka. Dhanka iyo diinta ayaa wadasocday oo talada ugu goan jiray bulshda.

Tarikhdu markay ay ku ahayd qarnigii 1099 ayuu baadarigi kiinsada Vaticanka ugu sareeyey Pope Erwin II ilcaamiyey ina gacanta kiristanka lagusoo celiyo dhulka barakaysan iyo magaalada Jerusalem oo wakhtiga muslimiintu gacanta ku hayeen. Go’aanka Pope Erwin 2aad qaatay ee ah inuu kuduulo oo qabsado dhulka barakaysan iyo magaalda Jerusalem tarikhdu waxbadan bay iska waydisa. Waxaana lagu tilmaama inuu ahaa goaan aan la rogrogin oo wacyiga lagu salayn oo isagu kaligii qaatay. Sababta sidaa loo leeyahayna waxay ahayd inuu arinka uu iclaamiyey dad, dal iyo duunyoba saamayn weyn ku yeelanaayo wakhti dheer. Pope Erwin wuxuu ahaa baadari ugu sareeya dariiqada katooliga oo iyagu aan tarikh kulahayn dhulka barakasan iyo Jerusalem midna kutubtooduna anay ahmiyad weyn siin dhulkaa barakaysan iyo taarikha samaawiga ee kusoo arooray marka loo egayo tariiqoyinka kale sida Kiristanka sunniga ah, msulimiinta iyo yahuuda. Waxay taarikhdu xustaa baadariga inloo waxyooday oo lagu amray inuu sooceliyo magaalda Jerusalem oo uu waxyi goaanka ku qaatay.

Waxjigaa dabadii ayuu abaabul dagaal bilaabay wuxuuna muusanow kula dhexdhacay Eurubta galbeed waxaan laysukenay qaangaadh iyo wixii jannodon ahaa oodhan iyo intii doonaysay in baadarigu u danbi dhafo. Dhacdadaa loogu diyaargarobay in dibloogu qabsado Jerusalem waxaa loogu magacdaray dagaalka iskutalababta “War of the Cross” waxaana istaadhmay Krusaydarkii koobad “The First Crusade”. Waxaa lasoo afjaray 450 sano oo muslimiintu gacanta ku haysay dhulka barakaysan iyo Jerusalem waxaana gacanku hayntii lawareegay Kiniisada. Kufsi, dhac, dil iyo boob aan xuduud lahayn baa ka dhacay magaalda barakaysnayd cidamadii kurusaydarka ayaa falkaa gaystay waxaana kitaabka u furay oo xalaaleyey Pope Erwin. Taarikhdu waxaay tidhaahdaa dhigii magaalada barakaysan lagudaashay ee cidamada baadarigu soo abaabulay daadsheen wuxuu gaadhay fardihii cidaadanku waday jilbahooda. Looma kala aabo yeelin muslimiin, Kiristan sunni ah iyo yahuud cagta ayaa lamariyey. Dagaalki lagula wareegay Jerusalem iyo waxaayaabihii kadhacay goobtas waxaa loo nisbeeya inay kadanbeeyen niman gaaraha oo qorshe fog ku shaqaynayey, xataa tuhun waxaa lagaliyaa waxyiga uu Pope Erwin duulanka ku sameeyey inay kulug lahaayen.

Nimankaa shaxda dibu qabsashda dhulka barakaysan waxaa layidhaahda oo looyaqaanay ilaaliyaasha masjida Suleiman “The Knights of Templars of Solomon ama Knight Templars” waxayna ahaayen cidamo sigaara utababaran oo hadaf ka duwan kan lagusoo dagaal galay wadata oo meeli ucadahay. Dhinac waxay ka ahaayen wadaado sita shanbadii baadariga oo toos u hoosyimada Pope Erwin oo dambidhafka qaabilsan dhinacna waxay ka ahaayen saraakil hogaaminaya ciidanka oo ninka kasoo jeeda ilaaliyaasha masjidka Suleiman ee tababarkooda qaba u dhigmo toban nin iyo wax ka badanba. Waxay taarikhdu xustaa ilaaliyasha masjidka Suleiman ee gaarka ah ee khatarta ah anayba ka badnayn 300 oo nin. Markii ay jabiyeen cidamadii yaraa ee difacayey dayrarka Jerusalem waxay too u abaaren oo lawareegen goobtii uu ka talin jiray Nabi Suleiman waa goobta uu ka dhisanyahay Tempalka looyaqaan “Solomon’s Temple” waxaan ku yaal majid Al-Aqsa.

Taarikhdu waxay xustaa in sababta markiiba loola wareegay goobtas in laga raadinayey kitaab ay ku doodan inuu Nabi Suleiman qoray oo lagusoo xadariyo jinnka oo ay aminsanyihiin inuu la shaqaysan jiray iyo kartuunka barakaysan ee aynu u naqaan Tabut “The Ark of Covenant” ee anbiyada reer bani Isreali haysanjireen lagasoo bilaabo Muuse (cs) ilaa nabi Suleimaan (cs) xukunka iyo dawladnimada ku haysteen kuna dagaal galijiren. Ilaaliyaashada masjidka Suleiman “The Knights of the Templar of Solomon ama The Knights Templars ee iskood isu cimaamaday waxaa soo baxday inaanay masjid iyo nabi suleiman midna arinkoodu ahayn lakinse rag hadaf fog oo u qarsoon ku shaqaynaya oo awoodo garaa waheliyaan sixir iyo jinn la shaqaysi, bilowgii waxay ku matalayeen inay wadaado badiriyiin oo magaca nabi ciise ku dagaalama oo xoraynaya muslimiinta iyo yahuuda nabi ciise dishay ay yihiin oo jesus talada gacanta usoogalinayaan lakinse waxay isu badaleen oo lasoo fahmayey inay raadinaya buugag la qoray wakhti hore oo cilmi sir iyo sidii Ibliis ay ulashaqaysan lahaayen. Waxaa iyana soo baxday in wax laga ogaado kartuunka samaawiga ah ee ay raadinayan aanse lagaranayn meesha uu yaal oo ilaaliyasha masjidka Suleiman ay ka aminsanyihiin in kartuunka la’aanti aan dawladnimo taama anay waligood gaadhayn oo qabyo arinkoodu noqondoono inuu sina maqan yahay kartuunkanu. Qarnigii 1187, ayaa la jabiyey ilaaliyashi masjid Nabi Suleiman iyo cidamadii krusaydarkaba waxaan laga soo saaray Jerusalem, waxaa jabiyey oo jabkii ugu weynaa u gaystay Salaxudiin Ayuubi wuxuuna kala wareegay Jerusalem iyo majid Al-Aqsa.

Wixii aan ahayn Ilaaliyaasha masjidka Suleiman ee lagu qabtay dagaal foolka fool ah wuu siidaynjiray lakinse nimanka sheegta ama la ogaado inay ka tirsanyihiin ilaaliyaasha masjidka Nabi suleiman qoorta ayuu udheeraynjiray. Ilaaliyaasha Masjidka Suleymaan firxidkoodi waxay soo galeen Eurub gaar ahaan waqooyiga Eurub; Malta, Switzerland, Italy iyo Fransiiska. Ilayn waa ninman meeqam sare kataagna Kiniisada guulo badana sheeganaya sharcigii diimiga ahaa ee kiniisada waa loo khafiishay oo idinku bilaa danbi baad tihiin ayaa looqoray waxayna bilaaben inay ku talaxtagaan oo xalaashadan wax badan aan laga ogolayn diinta kiristanka. Waxay sheegtan inay yihiin ururka kaliya ee Kiniisadu u xalaalaysay ribadda iyo inay ka gacansadaan lacag. Ilaaliyasha Templka Suleiman waa ragii hindisay in lacagta bangiga ladhigto oo warqadii rasiidka ahayd ee tilmaamaysay cadadka dahab aad dhigatay bangiga ubadalay oo bulshadii ka dhaadhiciyey inay tahay lacag dahabkiina qaatay oo wali alaanka jirta. Farsamooyinka ay layimaaden way badan yihiin wayna u hirgaleen waxayna noqdeen tujaar saamayn ku yeesha boqortooyinka Eurub oo lacagaha amaahiya. Ilaaliyaasha Masjidka Suleymaan oo markiihore diinta Kristanka dabada kulajiray baadariga Erwin haystay waxay marba marka kadanbaysa usii xuubsibanayeen inay lasoo baxaan quraafad hore looga aminsana wadamada Yurubta iyo cilmi falag ay kasoo dheehanayeen kutubta ay kalasoo yaacen Jerusalem.

Waxaa bilaabmay inuu kaladhkooda saxada ahi soobaxo ee ay hoosta kuwateen waxayna colooben kitaabki baabalka ee ay salaanka kasaoo dhigteen ee kiniisadu masuulka ka ahayd ee dhulka barakaysan lagu qabsaday. 1037 milaadiga ayuu mashruucu kasoo afjarmay waxaana kusoo jeestay indho badan oo bulshadii reer Yurub ah oo fahamtay inuu khalad jiro. Dabagal ayaa lagu sameeyey waxaana la ogaaday in dhaqaalihiba gacanta u galay ilaaliysha masjidka nabi suleiman dunidiiba haystaan. Waxaa la ogaaday in wadaadii kamaandosta ahaa ee wacyiga waday marhoreba tuurtay kitaabki baybalka ee lagu xurmaynayey oo kitaabkale hoosta kalasoo baxeen. Boqorkii Fransiiska Philip ayaa ku horbilaabay oo dacwado badan kusoo oogay nimankan taalda ku wadasocda. Dacwda ugu weyn ee ilaaliyasha masjidka suleiman dusha loosaray waxaa ugu weynayd inay shadaynka caabudan oo kaleexden wadadii kiristanka. Waxaa ku raacay oo sidaa sileeg aminsanaa “Pope Claymont V” wuxuu isna dacwaada kusoo darsaday inay beeniyeen Nabi Ciise.

Pope Claymont wuxuu kusoo oogay oo kale inay raga faroxumeeyan iyo inay isu badaleen sixiroolayaal. Danbiyadii ugu daraan ee laysku soo oogo wakhtigaa ayaa lagu soo ogoogay ilaaliyasha Templka Suleiman. Hogaamiyahoodi Chekthemolay iyo intii laqabqabtayba iyagoo nool baa lagubay maalkoodi iyo hantidoodi kiniisada ayaa la wareegtay. Intii kabadbaaday gacantii boqor Philip waxay farxadkoodi galeen Scotland oo markaa dagaal kulajirtay boqortooyadii Ingiriiska. Magacii ilaaliyaasha masjidka Nabi Suleiman “Knights of Templars” way badaleen waxayna qaaten magaca “Freemasonry” walaalaha maysooniyada. Wacadna waxay ku mareen inay argudandoonan.

About the author

Abdirahman Simodi

View all posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.